Al-Shabaab lagu laayay Duqeyn ka dhacday Gobolka Baay

Ugu yaraan Lix xubnood oo ka tirsanaa Malleeshiyaadka argagixisada ah ee Al-Shabaab ayaa lagu dilay duqeyn xagga Cirka ah oo ka dhacday degaanka Yaaq-Baraawe oo ka tirsan Gobolka Baay.

 

War kasoo baxay Xafiiska howl-galka Maraykanka Afrika ee AFRICOM loo yaqaan ayaa lagu sheegay in ay Diyaaradahooda duqyn la beegsadeen Gaari ay la socdeen xubno ka tirsan Al-Shabaab oo xilligaa marayay degaanka Yaaq-baraawe.

Ma jirto Cid ka baxsan Al-Shabaab oo wax ku noqotay duqeynta ka dhacday Gobolka Baay, sida ay warkooda ku sheegeen howl-galka AFRICOM.

Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed oo Garabsanaya saaxiibbadooda Maraykanka ee AFRICOM ayaa Todobaadkan gudahiisa duqeyn ku dilay 15 ka tirsanaa Malleeshiyada Al-Shabaab, markii ay weerarro qorsheysnaa oo xagga Cirka ah ku qaadeen degaannada Dheeroow Sanle iyo Baqdaad oo ka tirsan Gobolka Shabeellada hoose.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here