Al-Shabaab oo Qafaal iyo Boob daran ku haaya Shacabka degmada Jilib

624

Maleeshiyaadka Argagixisada Al-Shabaab ayaa laba jibaaray dhaca iyo boobka ay u gaysanayaan Xoola Dhaqatada iyo Beeralayda deegaanada qaar, iyagoo shacabka ku boobaya Diinta Islaamka oo ay ka been sheegayaan.

 

Dadka Beeralayda ah ee ku nool deegaanada Miyiga ah ee degmada Jilib ayaa ka cabanaya Qafaal Maleeshiyaadka Al-Shabaab ay u gaysanayaan Caruurtooda si ay u dagaal galiyaan iyo boob ay ku haayaan dalagyada ay beertaan.

Mid ka mid ah Horjoogayaasha Argagixisada oo meel fagaaro ah kula hadlayay Bulshada ay si xoog ah beerahooda iyo Guryahooda ay kaga soo saareen ayaa wuxuu sheegay in loo baahanyahay inay keenaan wiilashooda iyo hantidooda si loogu dhibaateeyo shacabka.

“Wiilkaaga Ma’ahan midka aanan dagaalka ku jirin, waa inaa Dagaalka soo galisaan Wiilashiina, Sidoo kale waa inaa keentaan Xoolihiina sida Geela, Lo’da iyo Xoolaha kale oo aad haysataan, Beerihiina waxaa ka soo go’a dalagyo badan sida Sisinta, waa inaa ugu deeqdaan Islaamka.” Ayuu yiri Horjoogahaan ka tirsan Argagixisada Al-Shabaab.

Deegaano badan oo ka mid ah dalka ayaa waxaa haatan ka socda kacdoono ay wadaan bulshada oo bilaabay inay iska dhiciyaan Argagixisada Al-Shabaab oo ku dhacaya magaca diinta iyagoo ka been sheegaya diinteena Suuban ee Islaamka.

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here