Allaha u naxariisto Dr Xuseen Kadare oo ku geeriyooday Muqdisho

1
2695

Allaha u naxariistee waxaa goor dhow magaalada Muqdisho ku geeriyooday Dr. Xuseen Sheekh Axmed Kadare, oo ka mid ahaa hal abuuradii Soomaaliyeed, isla markaana ahaa dadkii qoray Af-Soomaaliga,

Marxuumka ayaa la sheegay in mudooyinkan xanuunsanaa, isla markaana caafimaad dibad ah loo qaaday, balse markii dambe dib loogu soo celiyay magaalada Muqdisho, sidaasina uu saaka ugu geeriyooday Muqdisho.

Axmed Faarax Idaajaa oo ah suugaanyahan Soomaaliyeed oo la hadlay Radio Muqdisho isaga oo ku sugan magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ayaa ugu horeyn tacsi u diray shacabka Soomaaliyeed iyo guud eheladii uu ka tegay Marxuum Xuseen Sheekh Axmed kadare.

Axmed Faarax Idaajaa ayaa tilmaamay in marxuumka in uu howlo badan soo qabtay oo ay ka midtahay dadkiii qoray farta Soomaaliga, ka shaqeynta ururrada shaqaalaha dowliga ah iyo howlo ganacsi uu in badan ku soo dhex jiray, waxaana uu intaa ku daray in Marxuum Kadare uu ahaa raggii 50-meeyadii isku dayay in uu sameeyo far qoris u gaar ah farta Soomaaliga,

“Sanadkii 1958-9 ayuu soo saaray qoraal ku aadan farta Soomaaliga, sanadkii 1960-kii markii ay dhalatay dowladdia waxa uu qeyb ka ahaa guddi loo xilsaaray farta Soomaaliga, 1966-kii Enesco ayaa Soomaaliya guddi u soo dirtay, waxaana qiimeyn ay sameeyeen ay Shire Jaamac ku tilmaameen in uu ahaa ninka kaalinta koowaad galay, waxaana kuxigay oo labaad galay Allaha u naxariiste Xuseen Sheekh Axmed Kadare, iyagoo soo jeediyay in farta laga dhigo oo ay caalamka fahmi karo”.

Qoraaga Soomaaliyeed Axmed Faarax Idaajaa ayaa intaa ku daray “Aas aaskii SYL sanadkii 1943-kii mabaadii’da waxaa ku jirtay in la helo far Soomaali, runtii dowladkasta oo dhalatana waxa ay sameyn jirtay guddi arrintaa dabagala, sanadkii 1971-kii waxa uu ka mid ahaa odoyaashii loo xil saaray qorista farta Soomaaliga ee aan maanta adeegsaneyno, bishii Maarso ayaan guddigan ku soo biiray oo aan is baranay, sidoo kale waxa uu Madax ka ahaa Guddigii qiimeynta buugaagta far Soomaaliga ah ee la qoro iyo Suugaanta, waxaana uu ahaa shaqsi hal abuur leh oo Ummadda Soomaaliyeed ay xasuustiisa ka go’i doonin waxa uu u qabtay”.

Did you like this? Share it:

1 COMMENT

  1. Maanta waxaa ummada soomaaliyeed ka dhintay qof aad qaali ugu ah oo lagu xasuusanaayo qoristii afkeena hooyo oo ah mid ka mid ah waxyaabaha ow wadan kasto magac ku leeyahay laguna yaqaan

    illaaheey waxaan uga baryaynaa in oow naxariistiisa iyo jano ku abaal mariyo ehelkiisi iyo dhamaanteena sabir allaha naga siiyo ummadeenana isagoo kale iyo kuwo ka sii fiican haku irsaaqo aamiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here