Alshabaab oo Miinooyin ku aasay degaanka Shabeellow ee Gobolka Mudug

Guddoomiyaha degaanka Bacaadweyn Axmed Daahir Macalin ayaa sheegay in fashiliyeen miinooyin garaaya shan oo ay arggaxisadu ku aaseen xalay degaanka Shabeellow oo ka tirsan degmada Hobyo ee gobolka Mudug.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in labo ruux ay ku dhaawacmeen ka dib markii mid kamid ah miinooyinka argagaxisadu ku aaseen degaanka ay qaraxday, iyadoo kuwa kalena lagu guuleystay in la soo saaro.

Maleeshiyaad ka tirsan Alshabaab ayaa xalay degaanka Shabeellow soo galay ka dibna waxay ku aaseen miinooyin badan si ay ugu dhibaateeyaan shacabka ku dhaqan degaanka.

Degaanka Shabeelow, oo qiyaastii 90-km u jira degmada Hobyo, ayaa waxaa ku nool shacab xoolo dhaqato ah, kuwaas oo dhibaatooyin badan kala kulma maleeshiyaadka argagaxisada.

Ma ahaan markii ugu horeysay, oo aragagaxisadu soo weeraraan degaanka Shabeellow, guddoomiyaha degaanka ayaa sheegay in ciidanka dowladda iminka ku sugan yihiin duleedka tuulada.

Nabad –doon, Maxamed Axmed Cali, oo degaanka ka soo jeeda ayaa sheegay in saaka iska hor imaad ku dhex maray ciidanka dowladda iyo maleeshiyaadka Alshabaab ee soo hujoomay degaanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here