Amaanka magaalada Baydhabo oo si aad ah loo adkeeyey

0
3512

Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, ayaa sheegaya in si aad ah loo adkeeyey amaanka magaaladaasi, oo ay kusii qul qulayaan musharaxiin iyo ergooyin farabadan.

Ciidamada amaanka ayaa lagu arkayaa xaafadaha magaalada baydhabo iyaga oo ku howlan dadaalo lagu adkeynayo amaanka, loogana hortagayo cid waliba oo isku dayda carqaladeynta nabadgalyada guud ee magaalada.

Waxaa si isdaba joog ah magaalada u gaarayey baryihii dambe musharaxiin doonaya in ay kamid noqdaan labada gole ee baarlamaanka cusub ee Soomaaliya, iyo sidoo kale ergooyin doonaya in ay wax kasoo xulaan xubnaha kamid noqonaya baarlamaanka cusub ee Soomaaliya.

Wariyaha Warbaahinta Qaranka Siraaji Sheakh Isxaaq ayaa soo sheegaya in magaalada uu ka socdo diyaar garow balaaran islamarkaana magaalada ay soo gaareen musharaxiin badan iyo masuuliyiin kale oo katirsan dowladda Soomaaliya.

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here