AMISOM: labo gaari ayaa lagu soo weeraray Xalane, waana laga hortagay

0
2730

Afhayeenka AMISOM Joseph Kibet ayaa Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA u sheegay in xerada Xalane ee magaalada Muqdisho lagu soo weeraray ilaa iyo labo qarax, balse sida uu sheegay laga hortagay.

Afhayeenka ayaa tilmaamay in u jeedka qaraxyadaan ay ahaayeen in laga fuliyo gudaha xerada Xalane balse aaney suura galin taasi, oo ciidamadu ay fashiliyeen.

Waxa uu sheegay Joseph Kibet afhayeenka AMISOM in khasaaraha ka dhashay qaraxyada lagu soo weeraray dib ay kasoo sheegi doonaan.

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here