AMISOM oo bilowday habraaca hawlgallada ee heerka deegaanka

Maamulka Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ayaa maanta soo saaray qoraal dukumiinti ah oo qeexaya waajibaadka howlwadeennada ee la xiriira  habraaca ilaalinta deegaanka.

Qoraalkaan ayaa lagu sheegay in howlwadeennada ay waajibka ku ah dhaqangelinta dhammaan nidaamka ilaalinta deegaanka,gaar ahan marka ay fulinayaan waajibaadka ka saaran howlgalka nabad ilaalinta.

Dukumentigaan oo cinwaan looga dhigay Nidaamka Howlaha aasaasiga ee AMISOM (SOPs), waxaa Arbacadii si rasmi ah u bilaabay Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ee Soomaaliya, Danjire Francisco Madeira.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here