Amnesty International oo Kenya ku boorisay ilaalinta Qaxootiga

855

In si qasab ah lagu celiyo ku dhowaad 350,000 oo Qaxooti Soomaali ah waxaa ay xadgudub ku tahay xeerka caalamiga ah oo dowladda Kenya ay saxiixday  waxaayna khatar gelinaysaa nolashada boqolaal Kun sida ay sheegtay Amnesty International .
11ka Bishan ayaa Madaxweyne ku xigeenka dalka Kenya William Ruto ayaa sheegay in dowladiisa ay hay’addah Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga ee UNHCR ku wargelisay in mudoo ku siman 3 bilood ay ku xirto Xerada Dhadhaab isla markaana Soomaalida ku jirta dib ugu celiso dalkooda hadii ay sidaa yeeli weydo dowladda Kenya ayada ayaa howlshaas qabadan doonta.

Kenya waxaa ay qeyb ka tahay xeerka Caalamiga ah ee Qaxootiga oo la sameeyay  1951 –dii, waxaa ay sidoo kale ku jirtaan Ururka Midowga  Qaxootiga  Afrika oo la aas aasay 1969-kii.

Hadalka Madaxweyne ku xigeenka ayaa imaanaya iyadoo xadgudubyada loo geysanayo dadka Soomaaliyeed oo ku nool dalka Kenya iyo Qaxootiyada kale uu wali sii socdo, sanadkii tagay ee 2014-ka  bulshada Soomaaliyeed waxaa ay la kulmeen dhibaatooyin aad u daran oo ay kula kaceen ciidanka Amniga ee Kenya gaar ahaan markii uu socday howlgalkii loogu magac daray Usalama.

Kunaan dad ah ayaa lagu qab qabtaa gudaha Kenya kuwaas oo qaarkood loola dhaqmo si anshax daro ah ayaa lagu yiri warka ay soo saartay Amnesty International,waxayna intaa ku dartay in ilaa iyo hadda aysan soo gaarin qof kamid ah Qaxootiga oo loo xiray eedeymo la xiriira fal Argagasinimo ah.

Ma ahan markii ugu horeysay oo la soo hadal qaado dib u celinta Qaxootiga Soomaaliyeed Bishii November sanadkii 2013-ka waxaa heshiis sadex geesood wada galay dowladda Soonaaliya, Keny iyo hey’adda UNHCR waxaana heshiikaas dhigayay in Qaxootiga lagu caawiyo sidii iskooda ugu laaban lahaayeen Soomaaliya.

Amnesty International waxaa ay dowladda Kenya ku boorisay in ay u hogaansanaado waajibaadkeeda Qaranimo iyo kan caalamiga ah ee ka saaran dhowrista xuquuqda Qaxootiga, isla markaana ay ilaaliso Qaxootiga Soomaaliyeed kuwaas oo si magaliyo ah ku jooga dalka Kenya Xerada Qaxooti  Caalanka ugu weyn ee  Dhadhaab.

 

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here