Aqoon kororsi loo furay qaar kamid ah xildhibaannada Hirshabeelle+SAWIRRO

Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamaanka dowlad goboleedka Hirshabeelle mudane Siraaji Sheekh Isxaaq ayaa magaalada Muqdisho uga furay aqoon kororsi ku saabsan howlaha baarlamaanka,qaar kamid ah xildhibaannada baarlamaanka Hirshabeelle.

Aqoon kororsigaan oo ay fududeysay Hay’adda Qaramada Midoobe u qaabilsan Horumarka ee UNDP, Ayaa socon doona muddo laba maalin ah.

Xildhibaanada ka qeyb galaya Aqoon korosiga ayaa la filayaa iney helaan faham Ku saabsan Shaqada Baarlamanka iyo Gudashada waajibadka Dastuuriga ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here