Aragtida Dastuurka KMG ee Maaraynta Murannada Federaalka

  • Gogoldhig

Dastuurka Soomaaliya ee sida KMG loo ansixiyay 1/8/2012, wuxuu qeexayaa in Soomaaliya ay qaadatay Nidaamka Federaalka Halkaasna looga guuray Nimaadkii Dowladda mideysan (Unitary State) ee Soomaaliya ku dhaqmi jirtay tan iyo markii ay qaadatay xurriyadda 1960.[1]

Dastuurka Federaalku wuxuu Xaddidayaa Xiriirka ka dhaxeeya Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Xubinta ka ah Dowladda Federaalka Ama haddii si kale loo dhaho xiriirka ka dhaxeeya Dowladda Fedaraalka iyo Dowlad Gobaleedyada, sidoo kale Dastuurku wuxuu dhigayaa mabaadi’da asaasiga ah ee nidaamka Federaalka iyo xiriirada iskaashiga Heerarka Dowladaha, Heer Federaal Iyo Heer Dowlad Gobaleed.

Haddaba, Qormadaan kooban waxay ku saabsan tahay Hannaanka Xallinta Khilaafaadka ka dhax dhasha Heerarka Xukuumadaha ee Dowladda Federaalka sida khilaafaadka iyo Murannada u dhaxeeya Dowladda Federaalka iyo dowlad Gobaleedyada ama haddii si kale aan u sheegno Heerarka Dowladeed ee kala sarreeya, iyo sidoo kale  khilaafaadka ka dhax dhaca Heerarka Dowladeed ee Siman oo laga wado Khilaafaadka iyo murannada u dhaxeeya  Dowlad Gobaleedyada laftooda.

Ugu Dambayntoo Qormadaan waxay ka kooban Mowduucyada Hoos ku xusan:

  • Gogoldhig
  • Ahmiyadda joogtaynta Iskaashiga iyo Xiriirka  u dhaxeeya Heerarka Dowladaha leedahay Xallinta Khilaafaadka Xukuumadaha dhaxdooda ah.

3-    Hababka xallinta khilaafaadka  ee Xukuumadaha dhexdooda ah oo isugu jiro :

A-   Hanaanka Xalinta Murannada iyo khilaafaadka  ee Xukuumadaha dhexdooda ah ee aan ahayn Hannaan Garsoor

  • Hanaanka Xalinta Murannada iyo khilaafaadka ee Xukuumadaha dhexdooda ah ee ah Hanaanka Garsoor
  • Gunnanad

Ugu dambayntii waxaan rajaynaa in Qormadaan ay iffindoonto arrimo badan oo xirirr la leh hirgelinta Nidaamka Federaalk iyo Xillinta Murannada iyo Khilaafaadka ka dhax dhaca  Heerarka Dowladaha.

T- Ahmiyadda joogtaynta Iskaashiga iyo Xiriirka u dhaxeeya Heerarka Dowladaha u leeyihiin Xallinta Khilaafaadka Xukuumadaha dhaxdooda ah.

Dastuurrada Waddamada ku dhaqmo Nidaamka Federaalka inta badan waxay Qoraan Mabaadi’ muhiim ah oo saldhig u ah joogtaynta iskaashiga iyo xiriirka u dhaxeeya Heerarka  kala duwan ee Dowladaha Heer Federaal iyo Heer Dowlad Gobaleed.[2]

Haddaba si Mabaadi’daas loogu baddalo kuwo shaqayn kara waxaa Dowladaha Federaalku Sameeyaan hay’ado ka shaqeeya joogtaynta hannaanka iskaashiga u dhaxeeya Heer Dowladeedyada  kala duwan, tusaale Wadanka Garmany oo ka mid ah wadamada ku dhaqmo nimaadka Federaalka Dastuurkiisu wuxuu jiddeynayaa dhisidda Madal ( platform )  Madashaas oo loogu talagalay Xaqiijinta iyo Xoojinta Xariirka iyo iskaashiga joogtada ah ee Heerarka Dowladaha,  waxay xaqiijinaysaa madashu  hawlgelin joogta ah ee u dhaxeysa Heerarka kala duwan ee dowladda,  madashu wey baahsantahay oo waxaa  si joogta ah uga qayb-qaadanaya Madaxda Fulinta, Golayaasha Sharci-dejinta, Wasaaradaha iyo Hay’adaha kale ee Qaranka sida Guddiyada Madaxa bannaan.

Wadamo kale oo ku dhaqmo Nidaamka Federaalka Dastuurkooda ayaa  si cad u qeexaya mabaadi’da gaarka ah ee la xiriirta nidaamka iskaashiga  Heerarka Dowladaha  sida wadanka koonfur afrika, hase ahaatee Dastuurrada wadamadaas waxay u dhaafayaan qaab-dhismeedka  hay’adaha hormarinaaya  xiriirka iskaashiga xukuumadaha sharci gaar oo uu  soo saaro Baarlamaanku.[3]

Dastuurka   Federaalka ee Sida KMG ah loo Ansixiyay ee Soomaaliya  Wuxuu Qeexayaa Mabaadi’da Saldhiga u ah Nidaamka Federaalka iyo Mabaadi’da iskaashiga Heerarka kala duwan ee Xukumadaha.

Ugu horreyntii qodobka 48aad ee DFKMG wuxuu qeexayaa in qaab-dhismeedka Dowladda  ee Jamhuuriyadda  Soomaaliya uu ka kooban yahay Laba Heer Dowladeed oo kala ah, Heer Federaal iyo Heer dowladaha xubinta ka ah Dowladda Federaalk. [4]

Sidoo kale qodobka 50aad ee DFKMG isna wuxuu si wanaagsan u faah-faahinayaa mabaadi’da Federaalka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ama haddii aan si kale u sheegno mabaadi’da saldhiga u ah nimaadka Federaalka ee Soomaaliya qaadatay, mabaadi’daas oo ay ugu muhimsan yihiin kuwan hoos ku xusan:

  1. Heer kasta oo xukuumadeed waa in ay haysato kalsoonida iyo taageerada dadweynaha;
  2. Awood walba waa in la siiyo hadba Heer xukuumadeedka ee  sida ugu wax-ku-oolsan u fulin karta;
  3. Jiritaanka iyo joogtaynta xiriirro iskaashi iyo istaageerid labo-dhinacle ah oo ka dhexeeya Dawladaha xubnaha ka ah Federaalka dhexdooda iyo dawladaha xubnaha ah iyo Xukuumadda Federaalka ah;
  4. Si uu u jiro dareen midnimo qaran, degaan kasta oo ka mid ah Jamhuuriyaddu Federaalka ah ee Soomaaliya waa inuu helaa adeegyo iyo waxqabad xukuumadeed oo isku mid ah;
  5. Khayraadka dalka oo si caddaalad ah loo qaybsado;
  6. (f) Dakhli-ururinta oo loo xilsaaro hadba Heer xukuumadeedka ee sida ugu wax-ku-oolsan u fulin karta;
  7. (g) Khilaafaadka oo wadahadal iyo dib-u-heshiin lagu xalliyo.[5]

Si taa la mid ah Dastuurku Wuxuu bixinayaa tilmaamo cad cad oo hagaayo Xiriirka iyo iskaashiga Heerarka kala duwan ee Xukumadaha haddii ay ahaa laheyd  Heerarka siman oo loola jeedo dowladaha Xubinta ka ah dowladda Federaalka dhexdooda  ama kuwa aan sinnayn oo loola jeedo Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Xubinta ka ah Dowladda Federaalka.

Mabaadi’da iskaashiga ee Dastuurku uu jiddeynaayo waxaa ka mid ah kuwaan hoos ku qoran:

  • Heer kasta oo Xukuumadeed ha ahaadeen Heerar siman ama kuwo kala sarreeya waa in ay yeeshaan xiriir iskaashi oo wanaagsan
  • Xukuumad kasta waa in ay ixtiraamtaa, ilaalisaana xadka awoodaha ay leedahay iyo awoodaha ay leeyihiin Dawladaha kale, waana in ay:
  1. La yeelataa xiriir walaaltinnimo oo wax-ku-ool ah Heerarka kale ee Xukuumadaha, una horseedaa midnimada muwaaddiniinta;
  2. Heer kasta oo Xukuumadaha waa in ay ku wargelisaa Heerarka kale siyaasadaha iyo hawlgallada ay ka fulineyso degaannadeeda oo saamayn ku yeelan kara degaannada Heerarka kale;
  3. Yeeshaan siyaasado u adeegaya qorshaynta iyo hirgelinta mashaariic hormarineed oo wadajir ah.[6]

J- Wadiiqooyinka Xallinta Khilaafaadka Xukuumadaha Dhexdooda Ah

Sida lagu yaqaanno waddamada Federaalka, gaar ahaan kuwa Nimaadkan uu ku Cusubyahay sida Soomaaliya oo kale  waxaa hubaal ah in ay jirayaan khilaafaad la xiriira iskaashiga iyo qaybsiga awoodaha,  Sidaa awgeedna Dastuurrada Wadamada  federaalku waxay  dejiyaan habraacyo iyo hay’ado awood buuxda loo siiyay in ay ka gaaraan go’aan kama-dambeys ah iyo xalinta khilaafaadka ka dhasha Heerarka kala duwan ee  ee Dowladaha Haddii ay ahaa lahaayeen kuwa Siman ama kuwa aan sinnayn.

Haddaba waxaa jira laba hab oo loo raaco Xallinta Khilaafaadka iyo Murannada u dhexeeya Heerarka  Xukuumadaha, Heer Federaal iyo Heer Dowlad Gobaleedka iyo Dowlad Gobaleedyad dhexdooda, labadaas hab oo kala ah hab aan garsoor ahayn iyo habka garsoorka.

A-  Xallinta Khilaafaadka Xukumadaha Dhexdooda ee Habka aan garsoorka ahayn

Waddamada qaarkood ayaa doortay in lagu xalliyo khilaafaadka hab aan garsoorka ahayn. Dalka Itoobiya, awoodda lagu fasirayo Dastuurka  laguna xallinaayo khilaafaadka xukuumadaha dhexdooda waxaa leh Golaha Federaalka  oo ka kooban wakiillo ka socda kooxo ka soo jeedo qowmiyadaha kala duwan ee Dalkaas. Maxkamadaha caadiga ah ma laha awoodda  ka garnaqista  murannada la xiriira Dastuurinimada sharciyada oo dhan, ha ahaado Heer federaal ama Heer dowlad Gobaleed.

Marka aan eegno Dastuurka Federaalka KMG wuxuu soo jeedinnayaa marka hore in Khilaafaadka Xukuumadaha dhexdooda ah lagu Xalliyo Hannan aan garsoor ahayn loona  adeegsa karo qaabab kala duwan oo ay ka mid yihiin kuwan hoos ku qoran:

  • Ugu horreyntii dastuurku wuxuu farayaa Samaynta Sharci lagu magacaabo Sharciga Heerarka Xukuumadaha oo saldhig u noqonaaya Nidaamka Federaaleynta iyo Hanaanka iskaashiga Heerarka Xukuumadaha Sharcigaas waa in uu la xiriiro sida uu dastuurku faraayo arrimo ay ka midyihiin:
  1. Samaynta hay’ado iyo habraacyo fududaynaya wada falgelidda Heerarka Xukuumadaha.
  2. Samaynta hay’ado iyo habaraacyo fududaynaya xallinta khilaafaadka ka dhex dhasha Heerarka Xukuumadda inta aanay u gudbin maxkamad[7].
  • Samaynta Madal ( platform)

Si loo xaqiijiyo jiritaanka iyo horumarinta xiriirada iskaashiga Federaaliga ah waa in la joogteeyo kulan sanadeed ay wada yeeshaan madaxda fulinta Xukuumadda Federaalka iyo Madaxda Fulinta Dawladaha xubinta ka ah Xukuumadda Federaalka si ay isula meeldhigaan:

  1. Adkaynta Midnimada Qaranka;
  2. Sugidda ammaanka iyo Nabadgelyada Dalka;
  3. Horumarinta dhaqan-dhaqaalaha qaranka iyo suuqa mideysan ee dalka;
  4. Horuumarinta baraaraha shacabka;
  5. Isdhaafsiga macluumaadka.[8]
  • Khilaafaadka oo wadahadal iyo dib-u-heshiin lagu xalliy

Sida uu jiddeynaayo Xarafka G ee qodobka 50aad ee Dastuurka Kumeel gaarka ah khilaafaadka waa in lagu xalliyaa wadahadal iyo dib-u-heshiisin ka hor inta aan Maxkamad lageeyn.

  • Madaxwaynaha Jamhuuriyaddu iyo Aqalka Sare ee Barlamaanka  Madaxwaynaha Jamhuuriyaddu Maadaama uu yahay Madaxa Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya;, astaanta Midnimada qaranka, Ilaaliyaha iyo horumariyaha mabaadi’da asaasiga ah ee Dastuurka, sida uu qeexaayo  qodobka 87aad ee Dastuurka FKMG, wuxuu hormuud ka noqo karaa Xallinta Khilaafaadka Heerarka Xukumadaha Dhexdooda ah, si taa lamid ah ayaa aqalka sare ee barlamaanka isna uu kaalin wayn uga qaada karaa Xallinta Khilaafaadka Heerarka Xukumadaha Dhexdooda ah maadaama Xubin kasta oo ka mid ah Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka uu xil gaar ahi ka saaran yahay matalaadda danaha Dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalka ee uu matalayo iyo in uu ilaaliyo nidaamka Federaalka, kuna shaqeeyo dareen iskaashi Federaalnimo. [9]

Qaababkaan waa qaab aan ahayn hannaan garsoor oo lagu xalli karo khilaafaadka iyo murannada u dhaxeeya Heerarka Xukumadaha oo uu tilmaamaayo Dastuurka FKMG.

B-    Xallinta Khilaafaadka Xukumadaha Dhaxdooda ee HababkaGarsoorka

Wadamo badan oo ku dhaqmo Nidaamka Federaalka  Maxkamadda ugu sarraysa ee Federaalka ayaa  Xalka ugu Dambeeya ka gaarta khilaafaadka xukuumadaha dhaxdooda ka dhasha. Dalka Koofur Afrika, Maxkamadda Dastuuriga ah waxay leedahay awoodda ugu dambaysa ee xallinta khilaafaadka u dhaxeeya Dawladda dhexe iyo Gobollada iyo sidoo kale  midka ka dhax dhasha gobollada dhaxdooda. Dastuurku wuxuuu dalbaayaa in dhinacyada khilaafku u dhaxeeyo ay marka hore sameeyaan dadaal maangal ah si loo xalliyo khilaafaadka si wada xaajood ah. Maqnaanshaha dadaalka lagu xalliyo khilaafka iyo niyadsami-, Maxkamadda waxay dib ugu soo celin kartaa dhinacyada uu khilaafaadku  ka dhaxeeya si ay marka hore khilaafooda ku Xalliyaan wada xaajood.. Dastuurrada dalaka Nigeria iyo Argentina ayaa sidoo kale  iyagana  awood u siinayaan maxkamadda sare ee Federaalka in ay xaliso khilaafaadka ka dhax dhasho xukuumadaha ha noqdaan kuwa Siman ama kuwa kala sarreya.

Iyadoo laga Amba qaadaayo  Ahmiyadda ay leedahay maxkamadaha Federaalka ugu sarreeeya ee Dhinaca xallinta khilaafaadka xukuumadaha dhaxdooda ha loogu yeero Maxkamadda Dastuuriga ahama Maxkamadda Sare,  ayaa Dowladuhu si wanaagsan uga fikiraan habka lagu magacaabayo xubnaha  Maxkamaddaas  tusaale ahaan, dalka Jarmalka, aqlka koowaad iyo labaad  mid kasta wuxuu magacaabayaa kala bar xubnaha ka tirsan Maxkamadda Dastuuriga ah. Koofur Afrika aqalk labaad kuma lug laha soo-magacaabist xubnaha Maxkamadda Dastuuriga ah oo Garsoorayaasha Maxkamadda Dastuurka waxaa soo magacaabaya Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo la tashanaya Golaha Adeega Garsoorka iyo xisbiyada siyaasadeed ee mucaaradka ah. Dalka Maraykanka, Madaxweynaha ayaa soo magacaaba garsoorayaasha kaddibna waxaa ansixiya aqalka sare, aqalka hoose kuma lug laha soo-magacaabista garsoorayaasha.

Dastuurka Federaalka ee Sida ku kumeel gaarka ah loo ansixiyay ee Soomaaliya wuxuu ka dalbayaa Heerarka kala duwan ee dawladaha in ay isku dayaan marka Hore  in lagu xalliyo khilaafaadka si wada-hadal iyo dib u heshiisiin ah (Qodobka 50(g)). Haddii uu guul dareeysto wadahadalka, awoodda kama-dambaysta ee xallinta khilaafaadka xukuumadaha dhexdooda ah  waxaa Dastuurku  siiyay  Maxkamadda Dastuuriga (109C Qodobka(1)(d)). Dastuurku si gaar ah uma dalbaayo in ay Maxkamaddu hubiso in dhinacyada is-khilaafsan ama muranku ka dhaxeeyo  ay billaabaan wada-hadal iyo dib-u heshiisiin ka-hor inta aysan u gudbin Dacwad Maxkamadda Dastuuriga ah iyo  in khilaafaadka iyo Murannada la isku dayo in lagu Xalliyo Wada Xaajood,  Hase ahaatee , mabaadi’da Federaalka  ee Dastuurka Lagu Xusay ayaa qeexaysa (Qodobada 51 iyo 52) in loo baahan yahay dadaallo iyo wada xaajood u dhaxeeya Dhinacyada .

Waxaa Mudan in la xuso in Garsoorayaasha Maxkamadda Dastuuriga ah ay Ansixinayaan Laba aqal ee Barlamaanka kadib marka ay soo Magacaabaan Golaha adeegga Garsoorka sida ay jiddeynayaan Qoddobada 109B(2)) iyo Qodobka 71(i)), ee Dastuurka  FKMG.

Ka qaybqaadashada aqalka sare ee Magacaabista Xubnaha Golaha Adeegga garsoorka waxay ka dhigantahay in ay Dowladaha Xubinta ka ah Dowladda Federaalka ay qayb ka yihiin Hanaanka Magacaabista Garsoorayaasha Maxkamadda Dastuuriga ah Maadaamada aqalka sare uu Dowlad Gobaleedyada Ku matalo Heer Federaal.

X- Gunnaanad

Waa arrin cid kasta ay Fahmi Karto in Dowlad Soomaaliya oo Kale ah oo uu ku cusbyahay Hanaanka Federaalka ay Caqabado kala kulmi karto hirgelinta Nidaamkaas, Caqabadahaas waxaa ka mid noqo kara  Khilaafaad iyo Muranno La xiriira Hanaanka Hirgelinta Federaalka oo uu ugu horreyso  awood qaybsiga u dhexeeya Heerarka kala sarreeya ee  Xukumadaha.

Waxaa kale oo Muhiim ah in la isla garto in arrinta La xiriirta Xallinta Khilaafaadka iyo Murannada ka dhax dhaca Heerarka kala duwan ee Xukumadaha uu saldhig u yahay Ku dhaqanka Dastuurka Federaalka, Gaar ahaan Qodobada ka hadlaayo Mabaadi’da Federaalka iyo iskaashiga Heerarka Xukuumadaha ee Ku Xusan Cusubka 5aad ee Dastuurka.

Ugu dambeyntii si loo Daboolo Dul duleelada muuqda, Xal kama dambeys ahna looga Gaaro Murannada Ka dhax dhasha Xukuumadaha,  Daraasadaan Gaaban waxay soo jeedineysa Arrimahaan soo socda:

  • In labadaaqal ee Barlamaanka Federaalku ay u howgalaan Soo saarista sharciga iskaashiga Heerarka Xukumadaha ee uu tilmaamayo qodobka 51aad ee DFKMG
  • In la Sameeyo Madasha ku Xusan isla qodobka 51aad ee DFKGSi loo xaqiijiyo jiritaanka iyo horumarinta xiriirada iskaashiga Federaaliga ah waana in la joogteeyo kulan sanadeed ay wada yeeshaan madaxda fulinta Xukuumadda Federaalka iyo Madaxda Fulinta Dawladaha xubinta ka ah Xukuumadda Federaalka.
  • In khilaafaadka lagu Xalliyo Marka hore wada xaajood iyo wadahal ku dhisan niyad Sami iyo Dareen Midnimo qaran sida uu jiddeynaayo
  • in loo hawlgalo dhisidda Maxkamadda Dastuuriga ah oo ah Hay,adda leh awoodda ugu dambeysa ee Xallinta Khilaafaadka iyo Murannada u dhaxeeya Xukuumadaha dhaxdooda.

Wabilaahi Towfiiq

Tixraacyada Daraasadda:

  • Dastuurka Federalka KMG  1 Aug,  2012
  • Assefa Fisha: Ethiopian federalism 2009
  • John Law: How Can We Define Federalism, Perspectives on Federalism, Vol. 5, issue 3, 2013
  • Erato Kozakou-Marcoullis: Understanding Federalism: Different models-Different Challenges Advantages-Disadvantages, 21 December 2015
  • Elliot Bulmer: Federalism International IDEA Constitution-Building Primer 12, © 2017 International Institute for Democracy and Electoral Assistance (International IDEA) Second edition first published in 2015.
  • Loqman Omar Hussein, The principle of Participation in Federal state, 2011.
  • Böckenförde, M. et al., Max Planck Manual on Different Forms of Decentralization, 3rd edn (Heidelberg: Max Planck Institute for Comparative Public Law and International Law, 2008)
  • Carey, J. and Shugart, M. S., Presidents and Assemblies: Constitutional Design and Electoral Dynamics (Cambridge: Cambridge University Press, 1992).
  • Max planck foundation for international peace and the rule of law: comparative manual on federalism in Somalia, Heidelberg, 2016
  • IDEA, The federalism, May 2016 PG:14

 

 

Waqaa Qoray:  Qareen. Daahir Maxamed Cali,

Tel: 0615539570

E-mail: [email protected]

 

[1] fiiri farqadda 1aad ee Qodobka 1aad iyo farqadda 3aad ee qodobka 3aad ee Dastuurka FKMG

[2]Max planck foundation for international peace and the rule of law: comparative manual on federalism  in Somalia, Heidelberg, 2016 P.G72

 

[3]IDEA, The federalism, May 2016 PG:14

[4] fiiri qodobka 48aad ee DFKMG

[5] fiiri Qodobka 50aad ee DFKMG

[6] fiiri qodobka 51aad ee Dasuutka Federaalka KMG

[7] fiiri qodobka 51aad ee DFKMG

[8] fiiri farqadda 3aad ee qodobka 51aad ee DFKMG

[9] fiiri qoddobada 61aad iyo 71aad ee DFKMG

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here