Arday Shahaadooyin la guddoonsiiyay kaddib markii ay ka qayb galeen Barnaamij looga hadlayay Dhaqanka”SAWIRRO”

Xubno ka tirsan labada Gole ee dowladda iyo Marwada Madaxweynaha  ayaa ka qeyb galay Munaasabad shahaadooyin lagu guddoonsiinayay Arday ka qeyb gashay Tartan Cilmiyeed ku saabsan Diinta Islaamka iyo dhaqanka Suuban ee Soomaaliyeed.

Guddoomiye kuxigeenka jaamacadda Alcimra Cabdirisaaq Ibraahim Aadan oo Munasabadda ka hadlay ayaa Tallaabo Horumarleh ku tilmaamay  in ardayda la fahamsiiyo Dhaqanka Suuban iyo Faa’iidada ay leedahay.

“ Tartamada Nuucaan ah waa mid faa’iido u leh Dumarka Soomaaliyeed Waxaanb aad ugu Mahadcelinayaa Dhamman Gabdhihii kaalim aha hore tartankaan ku soo baxay” ayuu yiri Guddoomiye ku xigeenka Jaamacadda Alcimra.

Guddoomiye kuxigeenka Ururka Haweenka Qaranka Canab Xasan Cilmi iyo Guddoomiyaha Ururka Dhallinyarada Qaranka Faadumo Cabdi warsame ayaa ku dhiirri galiyay Dhallinyarada Soomaaliyeed in ay dar-dar galiyaan Dhaqankooda si horumar Guud ahaan dadka iyo dalka u gaaro.

Xildhibaanad maryan Isaaq ayaa ugu baaqaday Ardayda ka codsatay in ay u shaqeeyaan  dalkaooda iyo diintooda.

Wasiirka Dhallinyarada iyo Isboortiga Xukuumadda Soomaaliya Maxamed cabdullaahi Xasan Nuux  ayaa sheegay in barnaamijkaan uu yahay mid lagu dhiirri galinayo dhallinyarada taas oo fursat u ah Dhammaan intii ka qayb gashay

Marwada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Sahro Cumar Xasan ayaa ku Boorrisay  Dhallinyarada  in ay ka shaqeeyaan Horumarka dalka.

Soo noolaynta Awoodda Dhaqanka iyo in faham guud laga qaato Diinta islaamka waxa ay nafartay iyo waxa ay naga Reebtay ayaa ah  horumarka Dowladnimo ee Soomaaliya.

DSCN7768 DSCN7771 DSCN7776 DSCN7785 DSCN7786 DSCN7788 DSCN7793 DSCN7797 DSCN7799 DSCN7803 DSCN7808 DSCN7810 DSCN7815 DSCN7816 DSCN7828 DSCN7829 DSCN7830 DSCN7831 DSCN7833 DSCN7837 DSCN7840 DSCN7859 DSCN7862 DSCN7863 DSCN7864 DSCN7866 DSCN7867 DSCN7868 DSCN7869 DSCN7870 DSCN7872 DSCN7874 DSCN7878 DSCN7901 DSCN7903 DSCN7915 DSCN7923 DSCN7933 DSCN7934 DSCN7935

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here