Ardaydii kaalimaha hore ka galay Imtixaanaadkii shahaadiga oo kulan dhiiri gelin ah loogu sameeyay Gaalkacyo

33

Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Waxbarshada Galmudug iyo Maamulka Degmada Gaalkacyo ayaa ka qeyb galey munaaasabad lagu dhiirigelinayay ardaydii kaalimaha hore ka galey  Imtixaanadkii dugsiyada sare ee dalka oo lagu qabtey Gaalkacyo.

 

Munaasabadda dhiiri gelinta ah ayaa sidoo kale abaal marino lagu guddoonsiiyay ardaydii kaalimaha hore ka galay Imtixaanaadka dugsiyada sare ee dalka, iyadoo ay ka qeyb galeen qaar ka mid ah waalidiinta ardayda dhalay.

Maamulka Dugsiga sare ee SYL Maxamed Maxamuud Samatar ayaa sheegay in todobo arday oo ka mid ah ardayda wax ka barata dugsiga sare ee SYL ay kaalimaha hore ka galeen Imtixaanka, isagoo macalimiinta iyo Waalidiinta uga mahadceliyay dadaalka ay u galeen waxbaridda ubadkooda.

Xirsi Yuusuf Barre duqa Degmada Gaalkacyo ee Galmudug ayaa sheegay inay tahay wax lagu farxo kaalimaha ay ardayda ka galeen imitixaanaadkii la qaaday, uuna rajeynayo in sanadka dambe hiigsan doonaan meel sare oo ay ku dadaalaan sare u qaadidda aqoonta ardayda Soomaaliyeed..

Isuduwaha Wasaaradda Waxbarashada Galmudug ee gobolka Mudug Axmed Jaamac Aadan ayaa sheegay inay tixgelin gaar ah siin doonaan ardayda kaalimaha hore ka gashay Imtixaanaadkii shahaadiga ahaa ee ay Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya ka qaaday ardayda ka baxday Dugsiyada sare ee Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

 

 

 

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here