Argagixisada Al-Shabaab oo dhac iyo Qafaal ka gaystay Xarardheere

311

Wararka ka imaanaya degmada Xarardheere ee Gobalka Mudug ayaa sheegaya in Maleeshiyaadka Argagixisada ah ee Al-Shabaab ay dhaceen ilaa iyo shan Gaari oo xamuul ah iyagoo xiligaasi waday Badeeco ay gayn lahaayeen magaaladaasi.

 

Dadka deegaanka ayaa Radio Muqdisho Codka Jamhuuriyadda Soomaaliya u sheegay in sidoo kale Maleeshiyadaan ay Qafaasheen dadkii saarnaa Gawaaridaan.

Ilaa iyo haatan lama oga halka ay la aadeen Gawaarigaasi, hantida ay wadeen iyo Dadkii saarnaa intaba, sida ay ku waramayaan dadka ku sugan Xarardheere.

Argagixisada Al-Shabaab ayaa horay ugu amray dadka ku nool magaalada Xarardheere inay keenaan Catuurtooda si loogu adeegsado dagaalada lagu dhibaataynayo shacabka Soomaaliyeed, laakiin markii ay diideen arrintaasi ayaa Maleeshiyadaan waxay labo jibaareen dhaca iyo boobka ay u gaysanayaan shacabka.

Sida lagu yaqaano Dhaqanka Argagixisada markasta iyagoo ku ganbanaya magaca Diinta islmaanka ayay dhac iyo boob u gaystaan dadka Muslimiinta ah, halka sidoo kale banaysta dhiiga dadka islaamka ah.

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here