Ashahaado la dirir yaa ah? Dhageyso

14
7869

Maleeshiyada Alshabaab waxay dowladda Soomaaliyeed iyo ciidanka qaranka ugu yeertaa Ashahaado la dirir? laakiin iyada ayaa xasuuqda dadka ahlu towxiidka ah oo dadka ku dhex disha masaajidda iyo suuqyada!

Horjoogayaasha kooxda ayaa si aan xishood lahayn ugu baaqa in qof kasta oo fikirkooda ka soo horjeeda dhegta dhiigga loo daro xitaa haddii uu masjid ku jiro.

Fu’aad Shongole ayaa laga hayaa ” Haddii uu kun jeer ashahaato xitaa ha la dilo”.

Haddaba waxay is weydiintu tahay , Waa kuma Ashahaado la dirir? Ma waxaa towxiid la dirir ah dowladda mise Alshabaab oo si cad u sheegaya in qofkii ka hor yimaad la dilo xitaa haddii uu kun jeer Ashahaato?

Halkan ka dhageyso barnaamijka Tubta Toosan oo mowduucan ku saabsanaa

Fadlan aragtidaada ka dhiibo, Haddii aad su’aal qabtana waxaa kaaga jawaabaya Sheikh Cali Sheikh Maxamuud Sheikh Cali Dheere oo ka mid ah culimada Soomaaliyeed

Did you like this? Share it:

14 COMMENTS

  1. Asc Wr Wb .
    Waxan Salamayaa Dhaman Bahda War baa Hiinta Qaraanka..
    .Gaar Ahaan Daa Dihiya Yashaa Barnamiijkaan.Tobtaa Tosaan.
    Sua Sheeyda Waxeeytahaay
    Culimada Somaliyeed.Intoda Badaan .Kama Haadlaan Xaad Guduubka.Koxdaan Khaawariijta Ah.Ee Didaan Nolasha Shacabkeena Somaliyeed.Dowladana Waxan Ugu Baqayaa.Xojiintaa La Dagaalanka.Shabaab..Ineey Koor U Qaadaan……..Waxaan Ku Nolahaay Wadnka Nederland Ee Qarada Yurub..k.k.k

  2. asalamu calaykum ww waxaan salaamayaa maamulka raadiyaha waxay ilatahay jawaabtu way cadahay
    ruux walba ee iimaan kujiro maqabo ruux 1000 jeer asha haatay in ladilo ninkii okol qof asha haadanaya in
    ladilo waa asha haado diid wayna cadahay bay soth africa

  3. ruux walba ee iimaan kujiro maqabo ruux 1000 jeer asha haatay in ladilo ninkii okol qof asha haadanaya in
    laasalamu calaykum ww waxaan salaamayaa maamulka raadiyaha waxay ilatahay jawaabtu way cadahay
    dilo waa asha haado diid wayna cadahay bay soth africa

  4. Asc..waan idin salaamay dhamaantiin. Nimankaan waa niman aad ugu dheereya balan kabaxa oo waa iyagii yiri hadii itoobiyanku xamar ka baxo dowlada shariif waan la heshiineynaa ma dhicin. Waa niman aan waxba hubsanin oo seeftodu galka ka baxsantahay. Waa niman aan hadalkooda miisaamin oo wixii afkooda soo qabta bey dhahaan. Waa niman doonaya xukun iyo power ee aan diin doneyn. Waa niman raba iney suuliyaan diintena, dhaqankena iyo sooyaalkena..waa niman aan dadka la tashan, markastana ku jiraa xeen daabka (comfort zone) loo yaqaan oo acmaashoda sheydaanka u qurxiyey. Waa niman iskala weyn in iyaga sharecada lagu dhaqo ama in iyaga wax loo sheego. Ilahey waxow yiri “udcu ilaa sabiili rabika bil xikmati wal mawcidatul xasanati” dadka ugu yeedh jidka eebe xikmat ugu yeedh iyo mawcido wanaagsan..al-horror aayaadkii ilahey waa ka kaaftoomen so they are the ones who are against the tawxiid.

  5. Asalamu caleykum. Suaashu waxey tahay waa maxey sababta ay ugu mashquul-sanyihiin waxyaabaha yaryar balse eey uga meer meerayan oysan fikrad mideysan ka qaadaneyn dhiiga daadanaya oy iyagu hormuudka ka yihii iyo is qarxinta oo fasaad kii ugu xumaa ebed dalkeena soo maro ah. Diintuse maxey ka qabtaa dadka noocan oo kale ah oo nabad rabin oon heshiis rabin oo dagaal uun u soo taagan? Kaalin intee la eg ayey ka qaadan karaan culumadu hanuuninta muwadiniintena, ka weecinta fikradaha qalafsan iyo xagjirnimada iyo sidii rehabilitationka loo siin lahaa dhalaanka soo koraya ooy iyagu maskax rogeen? Mahadsanidiin.

  6. Asc ninkii baneystay dhiiga muslimiinta walibana fadwooday in xatee masjidka lagu dili karo xatee haduu Ashahaato waa ayaga towxiid la dirirka teeda kale waxaan raacsan lahaa shacabka waa barteen nimankaas iyo munaafaqnimadooda kalmad xalaal ehna ma yaqaanaan waxay doonaan ha dhaheen shacabka indhihiisa waa furan yihiin cid aamineysana ma jirto waxaana cadeen u ah taageeridii shacabka ay lalaabteen ee ciidamadeena amaanka ha xoojiyaano meeshii lagu arkana hala toogto naxariir laawa yaasha

  7. Waa tuug iyo duruugiistayaal magaca diinta ku qaraabanaya oo waa al SHAYAADIIN ibleesku ku adeeganayo waana naar-galayaal aan diin iyo dadnimadaba aqoonin.waa in la cidhibtiraa,si deg-deg ah wbt

  8. A/C Ashahaado la dirir waxaa ah kuwa dadka sida xoolihii Gowraha,xaq darro darteed,waa kuwa marka ciidankoodu dhaawacma dhameystira ama dila ,waligaa ma aragtay Alshareed jiis ama dhaawac culus ah,waa kuwa dadka hantidooda ka baadda.
    su-aasha aan qabbose waxay tahay Maxaa loola dagaali waayay si dhab ah?axaan ula jeeddaa haweenkooda iyo ,
    caruurtooda qalbiga ka bukka haloo sheeggo in ay aabbahood aaddaan ama uu isa soo dhiibbo Mujrimka.
    midda kale Aniga oo mamo Dowlo ah haddii aan arko ma garanaayo cid aan u sheeggo,waliba waxay ka buuxaan IDPyadda ama barakacyaasha ee bacdamaa dalkeennu qanni yahay ha aaddeen xoolaha beeraha iyo shaqooyinka Hoteladda iwm. ALLAH hanaga dhameeyo kuwa fikirka tagfiiriga leh. Macasalaama.

  9. Asalamu calaykum waraxmatulahi wabarakaatu, Waxan Salamayaa Dhaman Bahda War baa Hiinta Qaraanka. Salaan kadib anigaa waxeey iila muuqata in Dhulkeena hooyo loo soo diray raggan isku sheegayo Al-shabaab, rabaana in eey ku qaraabtaan, Diinta islaamka. Marka shacabka Soomaliyeed meelwalbo eey ka joogan dhulkeena hooyo ha iska celiyaano waa ragg doonayo in eey dhalinta iyo duqoowdaba laayaan. Marka mid ayaa ka codsanayaa Dowladeena Soomaliya midaas oo ah in eey dhalinyarada laga dhaa dhiciyo waxa wanaagsan oo eey, Diinteena na fareeso iyo wadaniyada waxeey tahay. Waxan kaloo ka codsanayaa Dowladeen Somaliya iyo madaxdeeyda in eey shaqaleeyan dhalinyarada. Waana loo jeeda in eey qalad tahay waxeey ku dhaqmayaan Al-shabaab, Alle Subxana watacaala hanaga qabto anagane Alle hanaga qabto angane Alle hanaga dhigo kuwii isku hiiliya oo cadoowgooda iska dhiciya .A.s.c

  10. Alshabaab waxaan ku talinaya in la cirib tiro.Loona sameeyo Maalin Lagu maamuusaayo looguna magacaabo ( Maalintii ka xoreynta Alshabaab dhulka soomaaliyeed )

  11. Cid kasta iyo qof kasta oo la dagaalmeeyso
    ashahaado la dirirka diyaar ayaa u ahay in aa kala qeebqaado waayo kuwaa ma wadaan wax diin ah dandooda moyee danta umada kama shaqeen waligood waxaa aan dareemi karaaa baahida aan u qabo la dagaalanka koxaha aan sharci ku dhisneen
    Hadii dhalinyarada eey ka wada tashraan waxaan u argaa in eey jiri doonin wax magaca shahaado la dirir wado laguma arkeen dhulka soomaaliyeed
    hadii aan u soo laabdo oo baahida aa u qabo in la cirib tiro shahaado la dirirka ma qiyaasi kardid kuwa la dagaalamo alle ha guulesiiyo kuwa ku hoolan cirib tirka koxaha aa ujeedkooda la aqoon dhiiga muslimiinta baneestay ilaah uma naxariisanaayo
    aduun iyo aqiraba

  12. Alx waxaa mahad iska leg allaha umadanaga somaliyeed muslin ka dhigay .tan kale shabaab waxay aaminsanyhn caqiido faasid ah ooo aaan sales iyo raad Ku lahayn diintena.suuban we islamka marina ma egayaan .balwaxay aad Oyo sad ugu dhaqmaaan fakirka dhahaayo dantaan wax walibo u sameee …carabtuna at dhahdo alqaaytu tubarirul wasiilah….marka ayaa diidan qafka inuuba ashaataa waxay doonayaa inuu gaaloobaa.

  13. waxaan idinsheegaa nimankaan shabaabka hort meesheey ka soo jeedaan waa in aan garanaa waa dadkaan khawaarij bidacadii uGu horeysay waa khawarijata sheekada hadaan idinsookoobo wakhatigii rasuulka NNC waqatigii aya soo baxeen 70 dhalinyaro xaafidu quraan ah ka soo baxeen jamacada rasuulka NNC ayeey dileen, waa wax la ogayahaay oo aan daaha naga saarneen . dhamaan waxaan salaama dhalin yarada radiyo muqdisho oo noo fududeeyey in aan fikirkeen ku darasano waa mahada santihiin dhamaantiina

  14. Kooxdaan sharwadayaasha ah shaki kuma jiro ineey waxkastoo aduunka jiro ka xunyihiin, kuwa culumadi masaajida ku laayay, ganacsatadi laayay, aqoonyahanki laayay, maamooyinki laayay, ardadi laayay, duqoowdi laayay, wax ka xun miyaa ummada soomaalyeed soo maray?? jawaabtu waa maya, hadaba shaki kuma jiro in koox nuuucaan ah eeysan waareyn siina jiri karin, sidaa darteed ashahaado la diri kaliya maahane, wax lugu tilmaami karo maba jiraan, waaana kaankaro xalkoooduna waa in la dabar gooyo, insha allahu waa dabar go,aayaan….mahasanidiin

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here