Baabuuur qaraxyo laga soo buuxiyey oo lagu guuleystay in la bur buriyo

Dowladda Soomaaliya iyo saaxiibada caalamka ayaa ka hortagay baabuur qaraxyo ah oo loo soo waday in lagu dhibaateeyo shacabka Soomaaliyeed.

Baabuurtaas waxa lagu beegsaday meelo u dhow degmooyinka Jilib, Kunya-Barow iyo Xaramka, kuwaasi oo dhammaan la baabi’iyey.

Tallaabadan ayaa ka qeyb ka ah dadaallada Dowladda Soomaaliya iyo Saaxiibada caalamka ay ku bartilmaameedsanayaan argagixisada Al-Shabaab, si guud ahaan dalka looga ciribtiro.