Baahiyaha dhanka biyo yarida ka jirta deegaannada Galmudug oo laga hadlay “SAWIRRO”

Kulankan oo ah mid lagu eegayo deeqaha la xiriira Biyaha ee Galmudug hesho ayaa magaalada Samareeb uga furmay Wasaaraddaha qaar iyo hey’addaha Caalamiga ah, kaasi oo diiradda lagu saaray wax ka qabashada arrimaha la xiriirta biyo-yarida.

Wasaaradda Biyaha iyo Tamarta Galmudug oo kulankan soo qaban qaabisay ayaa goobta ku soo bandhigtay baahiyaha jira ee ku saleysan biyo-yarida iyo kaalmada lagama maarmaanka ah si loo helo biyo ku filan bulshada ku nool deegaannada Galmudug oo meelo badan aan heli karin biyo nadiif ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here