Baarlamaanka Hirshabeelle oo ansixiyay miisaaniyadda sanadka 2021 “SAWIRRO”

Kalfadhiga 1aad Kulankiisa 12 ee Baarlamanka Dowlad Goboledka Hirshabelle oo uu Shir Guddoominayey Guddoomiyaha Baarlamanka Hirshabeelle Dr. Cabdixakim Luqmaan xaaji Muxumed ayaa kaqabsoomay Caasimada Hirshabelle ee jowhar

Ajandaha kulankaan ayaa ahaa ansixinta Miisaaniyadida Sanadka 2021 ee Dowlad Goboledka Hirshabeelle

Ugu horeyn Wasiir Dowlaha Wasaaradda Maaliyadda Yuusuf Macalin Xasan Jeelle ayaa Xildhibaannada kahor akhriyey Miisaaniyada dowlad Goboledka Hirshabelle ee Sanadka 2021

Sidoo Kale Xoghaya Guud ee Golaha Mudane Cabdiwaaxid Maxamed Xuseen ayaa Golaha u akhriyey Warqada soo Gudbinta Miisaaniyadda.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Baarlamanka  Hirshabelle Dr. Cabdixakim Luqmaan ayaa Xildhibaannada ka codsaday inay go’aan ka gaaran Miisaaniyadda, Maadama Sanadka 2020 uu gabo gaboyahay, loona baahanyahay in Miisaaniyadda Sanadka 2021 go’aan laga gaaro si uusan hakad ugu imaan howlaha ay Hay’adaha Dowlad Goboledka Hirshabelle u hayaan Shacabka Dowlad Goboledka Hirshabeelle

Baarlamanka Hirshabelle ayaa cod gacan taag ku ansixiyey Miisaaniyada 2021, waxaana natiijada codeynta ku dhawaaqay Gudoomiyaha Baarlamanka Hirshabeelle Dr. Cabdixakim Luqmaan xaaji Muxumed.

“Waxaa ogolaaday 71 Xildhibaan, waxaana ka aamusay 2  mudane halka uu diiday 1 Xildhibaan, sidaas ayuuna ansax ku yahay miisaaniyadda” ayuu yiri Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here