Baarlamaanka oo ansixiyay sharciyo uu kamid yahay kan axsaabta siyaasadda dalka

3173

Xubnaha baarlamaanka jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa meel mariyay sharciyada Axsaabta siyaasadda, Xananada xoolaha iyo dhismaha guddiga madax banaan ee xuquuqda aadanaha.

Sharciga axsaabta siyaasadda ayaa waxaa ogolaatay 149 madane waxaa diiday hal xildhibaan waxaana ka aamustay sadex mudane, sidoo kale sharciga xanaanada xoolaha ayaa waxaa ogolaatay 150 mudane iyadoo ay ka aamuseen sadex xildhibaan mana jirin cid diiday.

Baarlamaanka ayaa sidoo kale maanta ansixiyay sharciga dhismaha guddiga madax banaan ee xuquuqul insaanka kaas oo ay ogolaadeen 145 mudane waxaa diiday sadex halka ay ka aamuseen shan xildhibaan.
Kulanka baarlamaanka ee maanta oo uu shir guddoominayay guddoomiye ku xigeenka koowaad Mudane Jeylaani Nuur Iikar, iyadoo xubnaha baarlamaanka sidoo kale maanta akhrinta koowaad marsiiyeen heshiiska dalalka Afrikada bari ee dhismaha ciidanka ay leeyihiin wadamaas.

Wasiirka gaashaandhiga ee xukuumadda Soomaaliya mudane C/qaadir Sheekh Cali Diini oo maanta hor tagay baarlamaanka oo sharcigan ka hor akhriyay xubnaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in heshiiskan uu Soomaaliya faa’ido weyn ugu jirto hadii ay kamid noqoto.

Did you like this? Share it:

1 COMMENT

  1. in wadankeenu yeesho axsaab waa arrin wanaagsan si looga baxo qabyaalada iyo in dowlada golayaasheeda lagu soo xulo qabiil.

    laakiin axsaabtu waxeey noqo kartaa mid wanaagsan hadii loo adeegsado wanaag hadiise loo adeegsado dariiq aan wanaagsaneeyn
    waxaa dhici karto ineeyba qabiilki ka darnaadaan.

    hadaba si aaneey taasi u dhicin waa in baarlabaanku sharciyeynta ku daraa inoow asxaabta shuruudo u yeelo taas oo ay ugu horeyso in aaneey axsaabtu noqon kuwo fara badan waayoo axsaabta badani waxeey leedahay dhibaatooyin aad u fara badan

    illaaheey waxaan ka baryeynaa in axsaabta la sameynaayo noqdaan kuwo dan ugu jirto wadankeena,dadkeena iyo diinteenaba.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here