Baarlamaanka oo codka kalsoonida ah siiyay Xukuumadda cusub

Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay xarunta golaha Shacabka ayaa codka kalsoonida ah siiyay Golaha Wasiirada cusub ee uu dhawaan soo dhisay.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa baarlamaanka ka hor akhriyay qorshaha Xukuumadda Soomaaliya ay ku shaqeyn doonto muddada afarta sano ee soo socoto, waxaana uu baarlamaanka ka codsaday inay meel mariyaan Golaha Wasiirada oo arrimahan fulin doono.

Kulanka Golaha shacabka oo uu shir guddoominayay Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudeey ayaa waxaa soo xaadirtay 241 mudane, waxaana codka kalsoonida ah siiyay 224, 15 mudane waa ay diideen, waxaana ka aamustay labo mudane,  sida uu ku dhawaaqay Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee baarlamaanka Mudane Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudeey.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka ayaa isla goobta ku dhaariyay Golaha Wasiirada Cusub ee Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre oo dhaarinta kadib hadlay ayaa golaha shacabka uga mahadceliyay sida codka kalsoonida ah ay ku siiyeen barnaamijka Xukuumadda ee afarta sano iyo golaha Wasiirada cusub, waxaana uu u balan qaaday in uu jiri doono isla xisaabtan.

Ku-simaha Madaxweynaha ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo kulanka hadal kooban ka jeediyay ayaa Xildhibaannada golaha Shacabka uga mahadceliyay sida codka kalsoonida ah ay u siiyeen Golaha Wasiirada cusub.

 

Did you like this? Share it:

2 COMMENTS

  1. ALXAMDU LILLAAH YAA RABBI.

    MAGICIIN HAJIRO MUDANAYAASHI WADANKEENOOW(BAARLABAANKA)

    waa illaahay mahadiis mar hadii madaxdeeni iku waafaqeen in dowladi la ansixiyo ayna halkaas ku dhamaatay khilaafkii beryahaan ka jiray ansaxinta wasiirada.

    soomaaliyo maanta waxeey utahay maalin guuleed waa maalin ay gacalku farxayaan owna qoorta hoos u raaricinaayo cadawga soomaaliyeed,wallaahi isbuucyadaan la soo dhaafay waxeey noo aheed maalmo murugo iyo maxaa soo yeeri doono laakiin waxaanan marna ka quusan raxmada illaaheey waxaana waqtigeena ku camirnay alle barri iyo in loo duceeyo madaxdeena ineey isku waafaqaan wixii dalkeena,diinteena iyo dadkeenaba danti ugu jirto illaaheyna waa na aqbalay, laka shugru walakal xamdu yaa allaah.

    waxaan halkaan hambalyo uga dirayaa mudanayaasha baarlabaankeena oo maqlay codkii shacabkooda waxaan halkaan hambalyo uga dirayaa madaxweynaheeni hore mudane xasan maxamuud oo soo diray fariin odaynimo oo owkula hadlaayay baarlabaanka ineey ansaxiyaan wasiirada kana hadlay arrimo xasaasi ah iyo halka maanta owmaraayo wadankeenu oo u baahan in aan ka gudubno iskhilaafka garanana danta guud.

    waxaan hambalyo u dirayaa madaxweyne farmaajo iyo ra,iisulwasaare khayre oo iyana ku guuleystay dowladii ay keeneen.waxaan kaloo hambalyo u dirayaa shiikh gurxan baaruud oo cod dheer gaarsiiyay baarlabaanka isagoo dareensiiyay in maalinkasto ay dhimanayaan shacabkeeni,ayna aheeyn maanta maalin lays khilaafo.

    waxaan kaloo hambalyo u dirayaa shacabweynaha soomaaliyeed gudaha iyo dibadaba oo iyana maalinkasto shirar ay ku dalbanayaan in dowlada la ansixiyo sameeyay.
    kama dambeyn waxaan hambalyo u dirayaa nafteyda waayoo waxaan soo maray maalmo aad u culus anigoo waliba ku nool dalka dibadiisa laakiin waxaan wehel ka dhigtay in aan u duceeyo wadankeyga iyo madaxdeydaba illaaheyna waa igu guuleeyay taas.

    BAAQ

    waxaan halkaan baaq uga dirayaa anigoo u hambalyeeynaayo wasiirada cusub ineey noqdaan marka hore fariiq isku xiran waayoo waxaa horyaalo howlo culus,una istaagaan sideey kusoo celin lahaayeen cisadii iyo karaamadii wadankeena,
    maanta wadankeenu waxoow marayaa meel khatar ah oo ay dadkeeni u dhimanayaan oon iyo gaajo,caalamka waxaa noogala yaqaan shacabkii baahnaa, waana arrin murug leh in dadkeenu u dhintaan baahi iyo oon,inagoo illaaheey nasiiyay wadanka caalamka ugu hodansan xag dhaqaale xoolo,geel,lo,ari, labada nuuc,khayraadka badda, badroolka,iyo dheemanka dhulka dhaxyaal,iyo hawada dhulkeena oo aaneey haysan wadamo badan oo caalamka ka mid ah.
    wasiiradeenu waa ineey u istaagaan midnimada wadankeena,dhisida ciidankeena, dhisida dhaqaalaheena, shaqo u abuurida dhalinteena iyadoo lagu tarbiyeeynaayo dhalinteena ineey xoogooda maalaan soona saartaan khayraadka dhulkeena dhaxyaal iyadoo loo fududeeynaayo sideey lugahooda ugu istaagi lahaayeen,waana in loo furo macaahid farsamo waana in dib loo howl geliyo warshadaheeni waayoo caalamku maanta waxoow ku tartamaa maxoow wadankaani soo saaray marka waa in warshadaheeni dib loo howl geliyo lagana bilaabo wershada balcad ee ay illaashadeen shacabka reer balcad ee mudan in lagu abaalmariyo badbaadinta ay badbaadiyeen warshadii balcad.

    shacabka soomaaliyeedna waxaan ugu baaqayaa ineey dowlada la shaqeeyaan kana qayb qaataan soo afjarida cadawga nabad diidka ah.

    soomaaliyo ha midowdo hana israacdo waligeed cadawgeena allaha naga xifdiyo midnimadeena allaha xoogeeyo.
    galab wanaagsan iyo ISKU DUUBNIBAAD DADKAYAGOOW DULI KAGA BAXDAAN.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here