Baarlamaanka oo ka doodaya mooshan laga keenay golaha wakiilada maamulka Jubaland

0
1292

Furitaanka kulanka Baarlamaanka Soomaaliya ee maanta ayaa waxaa Xildhibaanada loo qeybiyay hindise sharciyeedka la dagaalanka argagaxisada oo todobaadkii hore xubnaha golaha wasiirada xukuumadda Soomaaliya ay meel mariyeen iyo hindise sharciyeedka shaqaalaha ajanabiga waxaana mudaniyaasha guda galeen ka doodida mooshinka ka dhan ah golaha wakiilada ee maamulka Jubaland oo loo soo gudbiyay gudoonka Baarlamaanka.

Xildhibaan Samaan Sheekh Maxamed oo kamid ah Xildhibaanadii saxiixay mooshinka ayaa mudaniyaasha ka hor akhriyay waxaana uu sheegay in dhismaha golaha wakiilada maamulka ku meel gaarka ee Jubaland oo ka hor imaanayo dastuurka dalka u degsan.

Akhrinta ka dib waxaa la bilaabay dooda mooshinka waxaana is qorey 38 xildhibaan iyadoo dooda mudaniyaasha ay ku qotontay labo arin oo kala ah in mooshinkan la meel mariyo iyo in aan la meel marin maadaama laga yaabo in dhibaato kale keeni karo, waxaase xusid mudan in xildhibaano badan ay qabeen in la saxo Baarlamaanka maamulka Jubaland.

Dooda mooshinkan ku saabsan ayaa sii socon doonta maadaama tirada xildhibaanada ee maanta isu qortay aysan u suurtagalin sida ay sheegay gudoonka golaha shacabka.

 

 

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here