Baarlamaanka oo u yeerey Wasiirka arimaha gudaha iyo Federaalka

0
1012

Kulanka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sida balantu aheyd waxaa ay sii amba qaadeen ka doodida mooshinka laga keenay golaha wakiilada maamulka ku meel gaarka ah ee Jubaland,waxaana kulanka Baarlamaanka ee maanta shir gudoominayay gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan “Jawaari” sidoo kalena waxaa joogay ku xigeenkiisa koowaad.

Maxamed Sheekh Cismaan “ Jawaari” gudoomiyaha golaha shacabka oo furitaanka kulanka Baarlamaanka hadal ka jeediyay ayaa u mahadceliya gudiga badbaadinta qaxootiga Soomaaliyeed eek u dhibaateysan dalka Yeman isagoo sidoo kalena bogaadiyay dadaalada lagu soo dhaweynaayo dadka ka soo baxsanaya dalka Yeman oo ay sameynayaan maamulada Puntland iyo Soomaaliand.

Dhinaca kale gudoomiye Jawaari ayaa ka hadlay howlaha Baarlamaanka horyaala oo ay kamid tahay hindise sharciyeedyada xeerka saxaafadda, la dagaalanka argagaxisada iyo shaqaalaha ajanabiga ah waxaana uu sheegay in ay muhiim tahay in kalfadhigan uu Baarlamaanku ka shaqeeyo.

Afhayeenka golaha shacabka ayaa sidoo kale sheegay in howlaha Baarlamaanka horyaala ay kamid tahay ansaxinta gudiyada doorshooyinka, xuduudaha iyo gudiga adeega garsoorka oo dhowaan golaha xukuumadda ay meel mariyeen.

Gudoomiyaha golaha shacabka ayaa sidoo kale xildhibaanada Baarlamaanka dalka waxaa uu u soo jeediyay in saacadaha shaqada la kordhiyo isla markaana waxaa uu ka codsaday in cod loo qaado in haddii Xildhibaan hal maalin uu ka maqanaado kulanka Baarlamaanka laga jero $100 taas oo mudaniyaasha ay meel mariyeen.

Intaas ka dib mudaniyaasha Baarlamaanka waxaa ay gudagaleen in ay ka doodaan mooshinka laga keenay golaha wakiilada maamulka Jubaland iyadoo ugu dambeyntii Xildhibaanada Baarlamaanka ay go’aamiyeen in maalinta beri ah golaha shacabka uu hor yimaado wasiirka arimaha gudaha iyo federaalka Mudane C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa) si su’aalo loogu weydiiyo arimaha ku saabsan Baarlamaanka maamulka ku meel gaarka ah ee Jubaland.

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here