Baarlamaanka oo xukuumadda cusub codka u qaadaya

1650

Mudaneyaasha barlamaanka Federaalka Somalia, ayaa maanta magaalada Muqdisho ku leh kulan uu Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda uu ku horgeynayo golaha xukuumadda ee uu dhawaan soo magcaabay.

Guddoonka golaha shacabka ayaa xildhibaannada ku wergaliyey in ajendaha guud ee kulanka uu ku saabsan yahay kalsooni siinta xukuumadda cusub oo ka kooban 20 wasiir.

Ciidamada ammaanka ayaa xiray waddooyinka ku dhow xarunta golaha shacabka si ammaanka loo sugo.

Horay ayuu R/wasaaruhu baarlamaanka uga codsaday inay muddada u kordhiyaan si uu usoo dhiso xukuumad tayo leh oo dalka ka saari karta dhibaatada uu muddada ku jiray, ayadoo dhamaystiraysa shaqooyinka ay tahay in la qabto si dalka doorasho looga qabto 2016-ka.

Xukuumadda ayaa ka kooban 20 wasiir, ayadoo dib laga soo magacaabi doono wasiir ku xigeennada iyo wasiiru-dowleyaasha.

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here