Baarlamaanka Soomaaliya oo ka doodaya hanaanka doorasho ee dalka

1431

Baarlamaanka Federaalka ee Soomaaliya ayaa maanta ka doodaya meel marinta hanaanka doorashada ee dalka sanadkan 2016, iyadoo kulanka Baarlamaanka uu hortagayo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cumar

Xildhibaan Maxamed Cumar Maxamuud oo ah habdhowraha baarlamaanka Federaalka oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in mudanayaasha ay ka doodayaan hanaanka doorashada ee uu dhawaan Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya u gudbiyay baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya.

“Xildhibaanada waxa ay ka doodayaan hadal jeedinta Ra’iisul wasaaraha ee baarlamaanka ka horjeediyay hanaanka doorasho ee dalka kalfadhiga 8aad, waxaana mudanayaashhu ay Ra’iisul wasaaraha su’aalo ka weydiinayaan meelaha ay u arkaan inay mugdi ku jirto” ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Cumar.

 

 

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here