Mid ka mid ah Baarlamanka Golaha Shacabka oo sheegay in gurmad ay u fidinayaan dadka abaaraha saameeyeen

5364

Xildhibaan Cabdicasiis Cilmi Xalane oo ka mid ah mudanayaasha Baarlamaanka Golaha Shacabka  oo la hadlay Radio Muqdisho Codka jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa sheegay in xildhibaannadu ay gurmad ufidin doonaan dadka Soomaaliyeed ay abaartu saameysay, isagoo qeybaha bulshada ugu baaqay in ay is caawiyaan.

Dhanka kale Hay’adaha samafalka iyo deeq bixiyaasha caalamka ayuu ugu baaqay in ay ka qeyb qaataan Gurmadka loogu gargaarayo dadka ay saameysay abaaraha ka jira gobollada dalka.

Sidoo kale Xildhibaan Cabdicasiis ayaa sheegay in ay wadaan qorshayaal Mudanayasha golaha Shacabka ay ugu guur galayaan nolosha dadka ku nool deegaannada ay abaartu ku saameysay  iyagoo soo ogaandoona xaaladda dhabta ah ee deegaannadaas ka taagan.

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here