Baarlamanka oo maanta ansixiyay miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2015-ka

0
1197

Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ayaa ansixiyay miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2015-ka, kaddib markii dib u eegis lagu sameeyay.

Kulan ay mudanayaasha baarlamanku maanta ku yeesheen xaruntooda golaha shacabka ayeey ku ansixiyeen miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2015-ka, kaddib dib u eegis lagu sameeyay miisaamiyadda dowladda ee sanadkan.

Dib u eegista miisaniyadda dowladda Soomaaliya ee Sanaadka 2015-ka  ayaa waxaa barlamaanka Soomaaliya u soo gudbiyey  wasaradda Maaliyadda kadib markii uu dib u dhac ku yimid miisaniyadii  2015-ka oo ay horay u meel mareyeen golaha shacabka.

Xoghayaha Guddiga maaliyadda ee barlamaanka oo kulanka  golaha shacabka ka hadlay ayaa sharaxay  dib u eegista lagu sameeyay miisaniyadda dalka  iyo inta laga dhimay misaaniyaaddi hore. Isagoo sheegay in dhimista lagu sameeyey miisaniyadda aysan saamayn doonin  musharaadka ciidanka iyo shaqalaha  Rayidka dowladda.

Wasiirka maaliyadda Mudane Maxamed Adan Ibraahim “Fergeeti”  ayaa  tilmamay in  dib u eegista miisaniyadda lagu Sameeyay inta badan talooyinkii ay soo jeediyen xildhiabanadda barlaamaanku markii la horkeenay  bishii hore.

Guddoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Sh.Cismaan Jawaari  ayaa kula dar-daarmay guddiga Arrimaha bulshadda Barlamaanka Soomaaliya  in ay baaritaano ku soo sameeyaan  Tiradda  macalimiinta  wax ka dhiga dugsiyada dowladda  sida ay codsatay ayuu yiri wasaaradda Maaliyadda.

 

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here