Badda Mediterraneanka oo laga baadi goobayo Tahriibiyaal  gaaraya 700

0
1378

Ciidanka Badda dalka Talyaaniga ayaa baadigoob xoogan ka wada badda Mediterraneanka kadib markii ay degtay doon siday tahriibayaal gaaraya toddobo boqol oo ruux oo sida la sheegay ka soo baxday xeebaha dalka Liibiya.

Ilaalada xeebaha ee dalka Talyaaniga ayaa laga soo xigtey in doontan ay degtay xalay saqdii dhexe illaa haddana laga soo badbaadiyay dad gaaray 28 ruux.

Maraakiib laga leeyahay dalka Talyaaniga,ciidamada badda ee Malta iyo maraakiib ganacsi ayaa ka qeybqaadanaya samatabixinta dadka tahriibayaasha ah oo doontu kula degtay biyaha dalka Liibiya gaar ahaan dhinaca koofureed ee Jasiirada Lampedusa ee dalka Talyaaniga.

Joseph Muscat oo ah Ra’iisal wasaaraha dalka Malta ayaa ku qoray bartiisa Twitterka in dad badan laga cabsi qabo inay ku dhinteen doontan.

Jariirada The Times of Malta ayaa qoray in dadka tahriibayaasha ah ay doontan la degtey kadib markii ay arkeen markab ganacsi ayna damceen inay gargaar ka dalbadaan markabka.

Illaa hadda ma jirto war ku saabsan tahriibayaashan wadamada ay ka soo jeedaan, waxaana dhowaan isa soo kordhayay tirada dadka tahriibayaasha ah ee gaaraya dalka Talyaaniga.

Dadkan oo Jinsiyado kala duwan haysta ayaa la aaminsan yahay in ay kamid yihiin Soomaali maadaama Soomaalida ay kamid tahay dadka u tahriibi dalalka Qaarada Yurub isla markaana mara safarka dhibaatada badan ee badda Mediterraneanka oo u dhaxeysa Liibiya iyo Talyaaniga.

 

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here