BANAADIR SC IYO HEEGAN OO GALABTA ISKU DHAGAN

0
323

Kooxda kubada cagta Banaadir toddobadkii hore waxa ay soo ciyaartay kulankii ugu adkaa kulamadii 10-aad horyaalka soomaaliya kadib markii kulan shan gool la iska dhaliyay ay ugu soo baxsatay kooxda Horseed oo ku ciyaarta magaca Ciidanka Xooga.

Toddobaadkan waxaa ay sidoo kale la ciyaari doonta kulanka ugu adag Todobaadkan ayadoo la ciyaari doonta kooxda Heegan oo matasha ciidanka booliska soomaaliya.

Banaadir iyo Heegan waxay wada ciyaari doonan kulanka Todobaadkii 11-aad horyaalka soomaaliya waxaana labada kooxod ay guulo ka soo hooyeen kulamadii ugu danbeyay oo ay ciyaaren horyaalka Soomaaliya.

Banaadir waxa ay ka soo adkaatay kooxda Horseed oo markii ugu horeysay ay baday guul daro kana jabisay record-kii guulaha ee kooxdaasi oo aanan laga adkaan ku dhawaad 15-kii kulan ee ugu danbeyay horyaalka soomaaliya.

Heegan waxaa ay kaga jirtaa kala horeynta horyaalka soomaaliya kaalinta 4-aad waxaana dhibic ay ka hooseysa Banaadir oo labaatan dhibcood uruursatay toban kulan oo ay ciyaartay kulankeedii ugu danbeyay  Heegan waxay la soo ciyaartay kooxda Elman oo ka mid ah kooxaha miisanka ku leh horyaalka dalka 2-1 ayeeyna kaga soo adkaatay ayadoo lagu xusuusto kulankaasi Nyazi Ronaldo oo u saxiixay Booliska goolka guusha.

Hadaba Heegan ayaa dooneysa iney sara u qaado dhibcaha haatan ay leedahay waxaana ay ku rajo weyn tahay in dhinaceeda dhulka ay dhigto kooxda Banaadir oo guul ku daah furatay wajigii labaad ee horyaalka soomaaliya kana adkaatay kooxda Horseed markii ugu horeysay oo laga adkaado.

Hadaba Sagaalkii kulan ee u danbeyay oo ay wada ciyaaren kooxaha Banaadir iyo Heegan shanti kulan ee ugu danbeyay Banaadir wax guul ah kama gaarin kooxda Heegan kulamada ay ciyareen Horyaalka Soomaaliya afar barbaro ayuu ku soo idlaaday halka waxaa adkaatay kooxda Heegan balse guud ahaan sagaalkii kulan ee ugu danbeyay oo ay wada ciyaraan labadaan kooxod ayaa waxaa sadex adkaatay Banaadir SC  hal kulan oo kaliya ayeey adkaatay kooxda Heegan, Shan kulan ayeey is dhaafi waayen labada kooxod waxaana tiradaasi ay ka badan tahay kulamada ay kala badiyeen labada kooxod.

Heegan sagalkii kulan ee ugu danbeyay oo ay la ciyaartay kooxda Banaadir waxay dhalisay laba gool oo quraa halka laga dhaliyay toddobo gool ayadoo sadex kulan labada kooxod gool la,aan ay ku kala tageen.

SAGAALKII KULAN EE U DANBEYAY OO AY IS ARKAAN BANAADIR IYO HEEGAN

Qamiis     01/02/18     Heegan  1 – 1  Banadir

Talaado   28/03/17     Banadir  0 – 1  Heegan

Isniin       13/02/17      Heegan  0 – 0  Banadir

Jimco       15/04/16     Banadir  1 – 1  Heegan

Jimco       29/01/16     Heegan  0 – 0  Banadir

Talaado   09/06/15     Heegan  0 – 2  Banadir

Talaado   10/03/15     Banadir  0 – 0  Heegan

Isniin        10/03/14     Heegan  0 – 2  Banadir

Qamiis      09/01/14    Banadir  1 – 0  Heegan

Banaadir Sc iyo Heegan Sc shanti kulan ee ugu danbeysay oo ay soo ciyareen horyaalka premier league Somalia Banaadir SC Waxay gashay hal barbaro oo quraa halka afar kulan ay soo adkaatay.

Heegan shanti kulan ee ugu danbeysay oo sidoo kale ay soo ciyaartay ayeey lumisay hal kulan afarna waa ay adkaatay kooxda matasha ciidanka Booliska Soomaaliya.

Heegan waxay dheer tahay kooxda Banaadir SC dhanka goolasha laga dhaliyay, Heegan waxaa laga dhaliyay shanti kulan ee ugu danbeysay 2 gool oo quraa kooxaha Elman iyo Jenyo oo ka adkaatay kulankii ugu danbeyay oo ay guul dareysteen ayaa ka dhaliyay goolasha kooxda Heegan sadex kulan waxay garoonka ka baxday ayada oo aanan la taaban shabaqadeeda.

Banaadir waxaa laga dhaliyay shanta kulan ee labada gool laga dhaliyay Heegan shan gool ayadoo labadii kulan ee ugu danbeyay oo ay la ciyaartay Horseed iyo Jenyo laga dhaliyay afar ka mid ah.

Banaadir afar kulan oo is xigta wali ma adkaan horyaalka somaaliya xili ciyareedkan afartii kulan ee ugu danbeysay  sadexdii kulan ee ugu danbeysay hadii ay ka adkaatay kooxaha Gadiidka Jenyo iyo Horseed kulankii ka sii horeyay sadexdaas kulan waxay barbaro 1-1 la gashay Batroolka oo kaalinta 7-aad kaga jirta horyaalka soomaaliya mana jiro kulamadaasi kuwii ka horeyay in ay adkaato afar kulan oo is xigta, haatan sadex is xigta ayeey soo adkaatay ma laga yaaba markii ugu horeysay in ay adkaato afar kulan oo is xiga kooxda uu hogaamiyo macalin Huissen Mblangu.

Hadaba halkaan kaga bogo koox kasta shantii kulan ee ugu danbeysay oo ay soo ciyaartay mise sidii looga bartay ayaa taako loo dhigi doona.

 BANAADIR S.C

27/02/2018     Banadir S.C     2 : 0     Madbacadda FC

07/03/2018     Banadir S.C     1 : 1     Batroolka FC

15/03/2018     Banadir S.C     3 : 0     Gaadiidka FC

23/03/2018     Banadir S.C     4 : 2     Jeenyo FC

30/03/2018     Banadir S.C     3 : 2     Horseed S.C

                                 Heegan S.C

Heegan shantii kulan ee ugu danbeyay oo ay soo ciyaartay iyo kooxihii ay la soo kulantay

28/02/2018     Jeenyo FC        1 : 0     Heegan S.C

06/03/2018     Horseed S.C     0 : 0     Heegan S.C

12/03/2018     Heegan S.C      0 : 0     Dekedda SC

20/03/2018     Heegan S.C      5 : 0     Waxool FC

28/03/2018     Elman FC         1 : 2     Heegan S.C

 

KALA HOREYNTA HORYAALKA SOOMAALIYA HALKAAN KA BOGO

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here