Banaan bax ka dhan ah qaraxii Masjidu Nabawi oo Muqdisho ka dhacay-Sawirro

1
5723

Boqolaal kamid ah dadweynaha ku dhaqan xaafadaha magaalada Muqidsho ayaa saaka ka qeybgalay banana bax looga soo horjeeday qaraxii dhowaan ka dhacay magaalada Madiina gaar ahaan meel ku dhow Masjidka barakeysan ee “MASJIDU NABAWI AL-SHARIIF” oo uu ku aasan yahay nabigeena Muxamed NNKH.

Mas’uuliyiintii banan baxa ka qeybgashay ayaa waxaa kamid ahaa wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarashada ee xukuumadda Soomaaliya, agaasimaha guud wasaarada owqaafta iyo arimaha diinta iyo xubno kale.

Isu soo baxa ayaa waxaa soo qaban qaabiyay culimada Soomaaliyeed waxaana ka qeybgalay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo culimada Soomaaliyeed qaarkood.

Dadka banaan baxa ka qeybgalay ayaa sitay boorar ay ku qoran yihiin ereyo lagu amaanayo nabigeena Muxamed NNKH iyo guud ahaan ahmiyadda ay leedahaya ilaalinta goobaha xurmadda leh oo ay magaalada Madiina kamid tahay oo uu ku yaalo masjidka labaad ee ugu barakeysan guud ahaan caalamka.

Culimadii banana baxa ka qeybgashay oo qaarkood la hadlay dadkii goobta joogay ayaa sheegay in qofka muslimka ah looga baahan yahay in uu ka dhiidhiyo marka dhibaato loo geysto meelaha barakeysan oo ay kamid yahay masjidka nabigeena Muxamed NNKH oo ku yaala magaalada Madiina oo dhowaan weerar is qarxin ah uu ka dhacay meel aan sidaa ugu dheereyn.

Banan baxa ayaa waxaa culimadii ka qeybgashay kamid ahaa Sh Bashiir Axmed Salaad oo ah guddoomiyaha hey’adda culimada Soomaaliyeed, Sh Nuur Baaruud Gurxan, Sh Yuusuf Cali Ceynte oo ah guddoomiyaha majmaca culimada, Sh Cali Dheer agaasimaha waaxda diinta ee wasaaradda owqaafta, Sh C/qaadir Soomow iyo culimo kale.

Afartii bishan ayaa qof isku soo xirey walxaha qarxa waxaa isku qarxiyay meel ku dhow masjidka nabigeena, iyadoo wixii markaas ka dambeeyay guud ahaan dunida muslimka si weyn looga cambaareeyay weerarkaas.

IMG_7515 IMG_7518 IMG_7520 IMG_7522 IMG_7526 IMG_7529 IMG_7530 IMG_7534 IMG_7535 IMG_7537 IMG_7542 IMG_7544 IMG_7554 IMG_7577 IMG_7583 IMG_7585 IMG_7590 IMG_7592 IMG_7598 IMG_7607 IMG_7618 IMG_7620 IMG_7621 IMG_7622 IMG_7625 IMG_7627 IMG_7628 IMG_7633 IMG_7647 IMG_7655 IMG_7687 IMG_7700

Sawir Qaade: Farxaan Saleebaan Daahir

 

Did you like this? Share it:

1 COMMENT

  1. alxamdu lillaahi sida wanaagsan ee ay dowladeena,culumadeena iyo shacabkeenuba isku meel iyo isku fikir uga noqdeen ka qayb qaadashadaan difaaca diinteena iyo muqadasaadkeena.

    rasuulkeeni salallaahu caleyhi wasalam iyo asaxaabtiisi waxeey naf iyo maalba u hureen fidinta diinta islaamka iyo difaaceeda,illaa ay caalamka
    oo dhan ku fiday diinteena xaniifka ah,sidaas darteed ayeyna cadawga islaamku dagaal kula jiraan diinteena iyo muslimiinta.
    hadaba waxaa waajib nagu ah in aan difaacno diinteena iyo muqadasaadkeena hadeey ahaato meelaha muqadaska ah sida xarameynaka( kacbad iyo masjidka madiina ee nabigeenu ku aasanyahay)iyo masjid AL AQSAA oo ah masjidka seddexaad ee caalamka ugu muqadasan.

    illaahey waxaan weydiisaneeynaa inoow diinteena iyo muqadasaadkeena noo xifdiyo isna raaciyo umadda islaamka ah si ay hal meel uga soo wada jeestaan cadawga islaamka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here