Bandhig dhaqameed lagu qabtay xarunta degmada Warta Nabadda

Xarunta degmada Warta Nabadda ee gobolka Banaadir ayaa lagu qabtay munaasabad lagu weynaynayay Hidaha iyo Dhaqanka Soomaaliyeed oo ay ka qeybgaleen maamulka Degmada Mas’uuyiin katirsan Wasarada Arrimaha Gudaha iyo qeyba kale duwen ee Bulshada degmadaasi ku nool.

Faniinta Kooxada Banaadir band ayaa goobta ku soo bandhigay suugaan ka tarjumeysa dhaqanka, waxaana qeybahii kale duwen ee ka qeyba galay bandhigaasi ay wajidooda ka muuqatay farxadda ku aadan Munaasabadda ciid ee bandhig faneedkaasi.

Cabdi Nuur Sheeq Axmed (Cabdi Dhaato) oo ka  mid ah faniinta Kooxda Banaadir Band ayaa sheegay in bandhigaas ay ku talgleen sidii Ummadda Soomaaliyeed ;loo fahamsin lahaa ahmiyadda bulshada ay u leedahay  weyneynta  cayaaraha dhaqanka

“Showgaan waxaan ugu talglay in bulshada Soomaaliyeed aan ula qeybsano farxadda ciidda, kooxada dhaantada ee Banadir Band waxa ay diyaar u tahay wacglinta bulshada ee ku aadan dhanka hidaha iyo dhaqankeenna” ayuu yiri Cabdi Dhaanto

Guddomiyaha Degmada Warta Nabada  Yasiin Nuur Ciise oo goobta ka hadley ayaa sheegay in  maamulka degmadu uu ka shaqeyn doono isku xirka bulshada degmada ku nool iyo dib u soo nooleynta dhaqankeena

“Dhamaan Ummadda Soomaaliyeed waxaan dhahayaa ciid wanaagsan,  gaar ahaan dadka degan degmada Warta Nabada, xafladiin caawe oo waqti dheer ah soo bilaabatay waxaan ugu talgalay in aan ugu qeyba qaadano munsaabadaha ciidda, waxaan u mahadceliyaa kooxda Banaadir Band uu soo bandhigtay suugaan aad u xiiso badan, guud ahaan bulshada Degmada, waxaad ku mahadsan tihiin ka soo qeyba galka Bandhigan” ayuu yiri Guddoomiyaha.

Afhayeenka Wasaaaradda Arrimaha iyo Faderaalka Cabdifitaax Daahir Mire oo ka mid ah mas’uiyiintii ka qeyb gashay bandhigaasi ayaa bulshada iyo Maamulka Degmada Warta Nabadda ugu mahadceliyay qabsoomidda bandhig dhaqameedka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here