Bandhig Dhaqan oo ay ka qeyb galeen masuuliyiin dowladda ka tirsan oo Muqdisho lagu qabtay “SAWIRRO”

1435

Xubno ka tirsan labada gole ee dowladda ayaa ka qeyb galay bandhig dhaqameed lagu xoojinayay horumarinta hidaha iyo dhaqanka oo xalay lagu qabtay magaalada muqdisho

Hobollada Waaberi ayaa bandhiggaan uga qeyb qaatay ciyaaro  hiddadaha iyo dhaqanka ah iyo sugaan, ayadoo sidoo  kale ka qeyb galayaasha la waydiiyay su’aalo dhaqanka la xiriira oo lagu bixinayay abaalmarin.

Gudoomiyaha  hay’ada wacyi galinta bulshada Maxamed Ibrahim Cajiib oo ka hadlay munaasabada  ayaa sheegay in kulamada noocaan ah ay muhiim u yihiin bulshada SOomaaliyeed, xiligaan oo ay jiraan xaalado aan wanaagsanay n oo soo wahajay dhaqanka dadka, kuwaas oo u baahan in wacyigelin joogto ah laga sameeyo.

Guddoomiye ku xigeenka arrimaha  bulshada  ee maamulka  gobolka Banaadir  Iimaan Nuur Iikar oo ka  hadlay munaasabada  ayaa  sheegay in loo baahan yahay in la xoojiyo dhaqanka iyo ciyaaraha si loo tageero nabadda. Wuxuu sidoo kale sheegay in kulamada noocaan ah ay wax badan ku soo kordhinayaan bulshada.

Xildhibaan Maxamed  Cumar Dalxa  iyo wasiiru dowlaha maaliyadda Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa ka mid ahaa masuuliyiintii ka qeyb galay bandhiggan, waxayna dhammaantood sheegeen in muhiimad weyn ay bulshada u leedahay in kulamo noocaan ah loo qabto.

Wasiirka wasaarada warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska  mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeya  oo gabagabadii munaasabada ka  hadlay  ayaa tilmaamay in dowladda Soomaaliya ay waqti badan ku bixineyso adkeynta iyo soo nooleynta dhaqanka Soomaaliyeed, isagoo tilmaamay in dhaqanku uu ka mid yahay waxyaabaha lama taabtaanka ah ee ay leedahay umadda Soomaaliyeed.

DSCN1126 DSCN1129 DSCN1133 DSCN1137 DSCN1159 DSCN1160 DSCN1164 DSCN1165 DSCN1168 DSCN1171 DSCN1173 DSCN1175 DSCN1177

Sawir Qaade:- Muuse Cisnaam Abtow

 

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here