Bandhig dhaqmeed lagu qabtay Muqdisho-Sawirro

2635

Bandhigaan  oo ah markii labaad ee lagu qabto degmadda Waaberi  ayaa ka qaybgalyaasha bandhigan ay soo jeediyeen Heeso,Ciyaaraha, Hidaha iyo agabka dhaqanka ee ay Soomaalaya caanka ku tahay.

Kooxda Barbaarta Waaberi ayaa heeso  ka turjumaaya xaaladda ay ku sugan yihiin dhallinyarada soo bandhigay, kuwaas oo ay ku tilmaamayeen dowrka da’ yarta  laga sugaayo.

Gudoomiyaha degmadda Waaberi  Axmed Muumin Maxamed ayaa ka hadlay taariikhda uu leeyahay Dhaqanka Soomaaliyeed isagoo tilmaamay dowrka ay dhalinta maanta ee  soo nooleynta dhaqanka.

“Waxyaabaha Soomaaliyada lagu yaaqaano hadii ay tahay agab iyo waxyaabo kala duwan oo ay runtii caan  ku tahay degmaddu waxaa xiligan la joogo runtii ay leedahay  dugsi wax soo saar oo lagu baro dhilinyarada  cusub iyo jiilka cusub oo soo koraayo waxayaabaha Soomaalidu dhaqanka”. ayuu yiri Muumin.

Wasir kuxigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Md Cabdulllaahi Colaad Rooble ayaa gebegebadii bandgigga hadal ka jeediyey isagoo xusey faa’iidada ku jirta kulamada noocaan ah ee  laysugu keenayo dhaliyarada si ay ugu baraarugaan dhaqankooda.

“Hobaladii  kala duwanaa halkaa ku soo bandhigay  dhaqankii kala duwanaa hadii ay ahaan lahayd farshaxankii oo haddaba hortiina ka muuqda, agabyadii dhaqanka u ahaa Soomaalida oo ay ku dhaqmi jirtay, haday ahaan lahayd wax la cuno, la cabbo iyo haddii ahaan lahayd wax lagu jiifto”. waxaa sidaa sheegay Mudane Colaad.

Bandhigyadan oo ka dhacaya magaaladda Muqdhisho ayaa waxay sii socon doonaan ilaa bisha July ee sanadkaan waxaa ay sidoo kale lagu qaban doonaa  gobollada Shabeelaha Dhexe iyo Shabeelaha Hoose.

DSC01011 DSC01013 DSC01020 DSC01024 DSC01032 DSC01033 DSC01035 DSC01041 DSC01043 DSC01044 DSC01058 DSC01061 DSC01062 DSC01070  DSC01079 DSC01104 DSC01119 DSC01123 DSC01134 DSC01135

W/D: C/laahi Codka

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here