Barakacyaasha ka cabanaya xaalado nolal xumo

0
979

Xilli ciidanka xooga dalka Soomaaliya howlgalo ay ka sameeynayaan deegaano hoos yimaanaya gobolka Bakool oo hore ay uga sugnaayeen kooxda gumaadka umada Soomaaliyeed ee UGUS lagana sifeeyey inta badan gobolka Bakool ayaa waxaa deegaano fara ku tiriska ah oo si dhuumalaysi ah  mararka qaar ay ku soo gaalaan  waxaa dhibaatooyiin isugu jira dil iyo dhac ay uga geeystaan dadka shacabka ah ee  waxba galabsan oo ku nool deegaanadaasi.

Magaalada Xudur ee xarunta gobolka Bakool ayaa hadda waxaa ku soo qulqulaya dad aad u badan oo ka soo cararaya deegaanada ay gacanta ku hayaan kooxda UGUS kadib markii ay nolashada ku ciriiriyeen kooxdaasi.
Dadkan  soo galaya Xudur ayaa waxaa ay isugu jiraan carruur,haween iyo waayeel ayaa waxay ku nool yihiin xerooyin ku yaala duleedka degmada Xudur oo ay ku haysato xaalada banai’aadanimo oo aad u daran waxaana ay ka soo barakaceen deegaano dhowr ah oo ka tirsan gobolka Bakool sida Buurdhuxunle,Abal,Mooragaabey iyo deegaano kale.
Wariyaha warbaahinta qaranka ugu soo warama gobolka Baay oo dhowaan howlo shaqo u tagay gobolka Bakool ayaa magaalada Xudur kula kulmay dadka barakacyaasha ah isagoo qaar kamid ahna la hadlay.

“Waxaan ka soo barakacanay magaalada  Buurdhuxunle al shabaab ayaana naga soo ceyriyey deegaankeena oo aan deganeyn , qaar kamid ah dadkii anaga nala socodayna waa la gawracay anagana carruurteena iyo waliba hantideena waa ka soo cararnay cabsi darteeda” waxaa sidaa sheegay qaar kamid ah barakacyaasha.
Gudoomiyaha degmada Xudur Maxamed Macalin Axmed oo wariyuhu kula kulmay xerada ay ku jiraan barakacayaasha  ayaa  ka warbixiyey xaladahooda noolaleed ee dadkani  ay ku sugan yihiin.
“Waxaa meeshan ku sugan qaxooti ah oo ka kala yimid deegaano dhowr ah oo nimanka nabadiidka ah ay gacanta ku hayaan,Waxaana halkan ay ku sugan yihiin bil iyo waxa la jiraan , kaamka waxaa ka jirta dhibaatooyin aad u daran oo ay uga horeyaan biyo la’aan,musqul la’aan”. ayuu sheegay gudoomiye Axmed.

 

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here