Barcelona oo Ka Adkaatay Levante iyo Messi oo hat-trick Dhaliyay ”SAWIRRO”

0
1692

Kooxda Barcelona ayaa hal dhibic u soo jirsatay kooxda Real Madrid oo hogaamineyso horyaalka Spain ee La Liga,ka dib markii ay garoonkeeda Camp Nou ku xasuuqday oo ay 5-0 uga badisay kooxda Levante

Ciyaaryahan Lionel Messi oo 27-jir ah ayaa caawo kulankiisii 300-aad ee horyaalka Spain u saftay kooxda Barcelona,waxana uu kulamadasi uu ku dhaliyay 269-gool.

Ciyaaryahan Lionel Messi ayaa caawo sedax ka mid ah goolasha hat-trick u dhaliyay kooxda Barcelona.

bar cele celeeee mesi gool Messi cele Messi goolmesi

Ciyaaryahan Messi ayaa caawo dhaliyay hat-trick-giisii shanaad ee xili ciyaareedkan,isagoo guud ahaan dhaliyay hat-trick-giisii 23-aad ee uu u dhaliyo kooxda Barcelona.

Ciyaaryahanada kala ah Neymar iyo Luis Suarez ayaa labada gool ee kale u dhaliyay kooxda Barcelona.

neymarLuis golsua celecelee

Kooxda Barcelona ayaa caawo badisay kulankii 11-aad oo xiriir ah .

Kooxda Barcelona ayaa toban maalmood ka dib wareega labaad ee koobka Champions League-ga la ciyaari doonto kooxda Manchester City oo ka Ciyaarto Premier League-ga.

Kooxda Barcelona ayaa kaalinta labaad uga jirto kala horeynta horyaalka Spain ee La Liga,waxana ay leedahay 56-dhibcood,halka kooxda Levante ay kamid tahay sedaxda kooxood ee horyaalka ugu hooseeya.

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here