Barlamaanka oo meel mariyay xukuumadda Soomaaliya “MUUQAAL”

1
2089

Mudaniyaasha Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay xarunta golaha shacabka ayaa cod aqlabiyad leh ku ogolaaday xukuumadda cusub ee uu dhowaan soo dhisay Ra’isul wasaaraha Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali.

Kulanka maanta oo uu shir guddoominayay Guddoomiyaha Baarlamaanka Mudane Maxamed Sheekh Cismaan “Jawaari” waxaa soo xaadirtay 220 Xildhdibaan iyadoo kulanka oo goob joog ka ahaa Ra’isul wasaaraha Soomaaliya isla markaana uu khudbad ka jeediyay isagoo ka codsaday Xildhibaanada.

Waxaa ogolaatay 191 Xildhibaan waxaana diiday 22 Mudane waxaana Guddoomiyaha Maxkamadda sare Soomaaliya Abuukaate Caydiid Cabdullaahi Ilko Xanaf uu dhaariyay Wasiirada cusub ee Xukuumadda Soomaaliya.

Did you like this? Share it:

1 COMMENT

  1. alxamdu lillaahi hadii kama dambeynti maanta la ansixiyay xukuumadi dhowrka goor la celiyay,
    shacabkeena waxaan leeyahay hambalyo iyo horuu socod iyo in aan gadaal la fiirin waayo gocoshada iyo qaladaadka dhacay dib u eegisteedu waxeey naga hor istaagaayaan horumarka iyo la dagaalanka cadawga soomaaliyeed.

    waxaan halkaan salaan sharaf leh uga dirayaa madaxweynaha iyo ra,iisulwasaaraha oo muujiyay khilaaf la,aan iyo sabar dheeraad ah waxaan leeyahay waad guuleysateen ee isku duubnidiina iyo wada shaqeytiina halkiina ka sii wada,
    madaxweyne iyo ra,iisulwasaare maanta waxaad ka talineysiin wadan ah sidii guri hada la aasaasaayo ninka guriga dhisaayo inta oow guriga dhisaayo waxoow u adkeystaa dhagaxyada ku dhacaayo markoow dhisana waxaa ku anfacsada shacabka , marka waa inaad qalbigiina ku haysiin inaad dhiseysiin wadan dhan oo labaatan iyo shan sano dumsanaa laakiin dadaalkiina waxaa u aayi doono ummada soomaaliyeed idinkana waxaad abaalkiina ka heli doontaan illaahey agtiisa taariikhduna waxeey idinku qori doontaa bog sharaf leh hadaad ummadaan gaarsiisaan nabad iyo midnimo.

    waxaan soo dhaweynaynaa xukuumadaan cusub illaaheyna waxaan uga baryaynaa inuu ka dhigo kuwo wadankooda anfaca kana dheeraado qabyaalad iyo foolxumadeeda .

    waxaan halkaan baaq uga dirayaa wasiirada cusub oo ah ineey is garab qabsadaan oo ay sameeyaan shuraako dhexmarta wasiirada .
    waxaa jira wasiiro aan heysan wasaarad ay ku shaqeeyaan marka waxaan soo jeedin lahaa fikrad aan isleeyahay
    ineey faa,iido badan keeni karto,waxeeyna tahay in wasiirada wasaaradahoodu dhisan yihiin ay la mataanoobaan wasiirada aan wasaaradoodu dhisney oo ay qayb ka siiyaan wasaaradooda inta wasiirkaan wasaaradiisa la dhisaayo.
    tani waxeey leedahay faa,iidooyin ay ka mid yihiin.
    1-inwasiirki helo meel oowku shaqeeyo oo aaneey howshiisi dib u dhac ku imaan.
    2-in dowlada ay u baaqato qarash badan oo ku bixi lahaa kiro meel wasiirku ku shaqeeyo, qarashkaasna loo adeegsado in lagu dhiso wasaaradaha burbursan.

    waxaan hore u aragnay dhalinyaradi oow muungaab u magacaabay gobalka banaadir sideey ugu guuleysteen wada shaqeynta iyo talo wadaaga, marka wasiiradaan waxaan kula talinlahaa ineey isgarab istaagaan islana shaqeeyaan waayo arrintaani waxeey usahlaysaa howsha waqtigana way u soo gaabineysaa,

    illaahey waxaan ka dalbaneynaa naxariistiisa inoow wadankeena nabad nooga dhigo shacabkeenuna walaaloobo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here