Barnaamijka Kulanka Todobaadka Oo Looga Hadlay Sida Looga Faa’ideysan Karo Teknolojiyada Casriga Ah “Dhageyso”

6759

Barnaamijka kulanka todobaadka ee sida tooska ah uga baxa Radio Muqdisho iyo Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed ayaa maanta looga hadlay sida Bulshada Soomaaliyeed ay ugu faa’ideysan karto Technolojiyada Casriga ah oo muhiimad gaar ah u leh bulshada loona baahanyahay in Umadda Soomaaliyeed ay ka faa’ideystaan.

Barnaamijka ayaa waxaa ka qeyb galayay oo marti ku ahaa Wasiirki hore Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya Ahna khabiir dhinaca Technolojiyada C/qaadir Xuseen Maxamed Jahweyn iyo agaasimaha Guud ee Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta oo arrimahani ku shaqada leh mudane Axmed Xaaji Cabdi, waxaana si qoto dheer ay kaga hadleen mowduuca maanta ee baarnaamijka uu quseeyay.

Barnaamijka inta uu socday dhageystayaasha ayaa su’aallo soo weydiinayay mas’uuliyiinta barnaamijka martida u ahaa iyadoo si waadax ay kaga jawaabayeen su’aallaha ay soo weydiinayeen.

Did you like this? Share it:

2 COMMENTS

  1. Salaan kal iyo laab ah ayaa halkaan uga soo dirayaa Cabdiraxmaan Yusuf Cadaala waa hayeey wadani ah. Guul walaal Cabdiraxmaan Yusuf Cadaala, cimri dheer iyo caafimaad ayaan kuu rajeeyay.

  2. Salaan kal iyo laab ah walaal Cabdiraxmaan Yusuf Cadaala, I am a huge fan. Alshabab ha dhacdo ciribtoodana hala waayo amiin amiin. Sidaad sheegtay ummada Somaliyeed ayaa kasoo hareeyso alshabab. Meeshiina kasii wado halganka la dagaalanka argagixisada af iyo adinba. Waxaan maqlaayay maalin dhaweeyd ku xigeenka gudoomiyaha Baarlamaanka oo leh kalmada ah argagax hala soo badalo intaan la xirgalin sharciga la dagaalanka alshabab, ficilka alshabab hadii uusan argagax aheeyn ma ogi wax argagax yahay. Inta madax nuucas ah Somaliya joogana halganka lagula dagalamaayo alshabab wuu dheeraan doona unnecessary. Guul intii kasoo horjeeda argagaxa alshabab iyo awamiirtooda. Long live my brother Cadaala

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here