Barnaamijka kulanka todobaadka oo looga hadlay xaaladda ciidanka Asluubta Soomaaliyeed+Dhageyso

1704

Barnaamijka kulanka todobaadka ee ka baxa Radio Muqdisho iyo Telefishinka Qaranka ayaa waxaa marti ku ahaa taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Jeneraal Bashiir Maxamed Jaamac “Bashiir Goobbe”.

Jeneraal Bashiir Goobbe taliyaha cusub ee ciidanka Asluubta ayaa faah faahin ka bixiyay howlaha ciidanka Asluubta. Xaaladda xabsiyada iyo dib u dayactirka dhamaan xarumihii ciidanka Asluubta.

Sidoo kale Jeneraalka ayaa ka warbixiyay qorshayaal lagu dhisayo xabsi cusub oo casri ah oo leh adeegyo dheeraad ah, isagoo xusay in maxbuus kasta uu heli karo waxbarasho iyo xuquuq dhameystiran.

Taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa si wanaagsan uga jawaabay su’aalo kala duwan oo ay soo weydiiyeen qaar ka mid ah dhageystayaasha barnaamijka oo ka soo hadlay dalka iyo dibadda.

vlcsnap-2015-06-12-13h45m27s756 vlcsnap-2015-06-12-13h45m55s733 vlcsnap-2015-06-12-13h46m16s791

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here