Beelo walaalo ah oo heshiis ku wada gaaray Gobolka Shabeelaha Dhexe “SAWIRRO”

Heshiiskan ay gaaren beela walaalo ah oo wada daga deeganada hoos yimaada degmada Warsheekh Gobalka Shabeelaha Dhaxe, kuwaaso mudooyinkii lasoo dhafay dhexmartay dirir ayaa heshiiskasi waxaa kasoo shaqeeyay maamulka gobalka Shabelaha Dhaxe, odayaal dhaqmeed iyo  Xildhibanada ka soo jeeda deeganadasi,

Munaasabad lagu soo gaba gabeynayay wada hadalka in muda ah soo socday oo ay ku heshiiyen beelahaasi lagu qabtay Degmada Warsheekh, iyadoo ay kasoo qeyb galeen Xilibaanno ka tirsan Barlamanka Soomaaliya, maamulka gobalka Shabeelaha Dhaxe, maamulka gobalka Banaadir waxgarad, Culimaa’udiin  iyo dadweyne aad u tira badan oo watay boorar ay ku xardhanyihiin Nabaddu waa furaha nolasha iyo astaanta Calanka Jamhuuriyadda Soomaaliya, kuwaso  goob joog ka ahaa heshiiskasi,

Inta ay munaasabada socotay ayaa bar baarta gaashaaman waxey  goobta ku soo bandhigeen cayaaro ka turjumayo hidaha iyo dhaqanka iyo ahmiyadda ay leedahay in la xoojiyo nabad galyada iyo horumarka gobalka,

Guddoomiyaha gobalka Shabeelaha dhexe Mudane Cali Cabdulaahi  Xuseen “Cali Guudlaawe” ayaa u mahadceliyay beelihi heshiiska nabadeed wada gaaren iyo cidkasto kaalin ka qaadatay heshiiskani.

Guddoomiyaha gobalka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Xasan Maxamed Xusen “Muungaab” oo ka mid ah mus’uuliyinti ka qeyb gashay munaasabada ayaa tilmaamay in mamaulka goblka Banaadir uu ku faraxsan yahay nabadda iyo horumarka ka jira Shabeelaha dhaxe oo daris la ah Muqdisho.

Xildhiban Cabdiraxmaan Ibraahim Cali Shiiraar oo ka mid ah Xildhibaanada Barlamaanka Soomaaliya waxuu ugu baaqay beelaha heshiiska wada gaaray in la xoojiyo hashiiska nabadeed isla markaana laga foogado waxkasto uu dib u dhigayo Midnimada Ummadda Soomaaliyeed.

Hadaba qodobada lagu heshiiyay waxaa ka mid ah.

  1. In la soo celiyo walaaltinimadii labada beel ee Walaalaha ah, waxey ku heshiiyeen ay is cafiyan oo ay ka toobad keenaan wixii horey u dhacay.
  2. In lasoo celiyo Walaalnimadi iyo diris nimadii ka dhaxeysay labada beelod ee walaalaha ah.
  3. In labada beelood ay si nabadgelyo ah u wada dagaan oo ay ku wada noolaadaan nabadda.
  4. In la isaga garaabo qasaarihi ka dhashay waxyaabihii sababay gacan ka hadalka.
  5. Qodobada heshiiska waxaa saldhig u ah shareecada Islaamka, laguna dhaqi doono ciddii xadgudub la timaado, sida qofkii qof dila in loo dilo sida ay qabto shareecada Islaamka.

Copy of IMG_0529 IMG_0509 IMG_0513 IMG_0517 IMG_0523 IMG_0529 IMG_0533 IMG_0535 IMG_0537 IMG_0549 IMG_0551 IMG_0552 IMG_0553 IMG_0560 IMG_0567 IMG_0571 IMG_0574 IMG_0580 IMG_0584 IMG_0585  IMG_0602  IMG_0612 IMG_0615 IMG_0616 IMG_0617 IMG_0620 IMG_0621 IMG_0622 IMG_0627 IMG_0628 IMG_0637 IMG_0638  IMG_0641 IMG_0642  IMG_0656 IMG_0662 IMG_0663 IMG_0675 IMG_0676 IMG_0677 IMG_0680 IMG_0681 IMG_0683 IMG_0688 IMG_0702 IMG_0705 IMG_0706 IMG_0710 IMG_0712 IMG_0716 IMG_0717  IMG_0723 IMG_0727 IMG_0743 IMG_0756 IMG_0757 IMG_0761 IMG_0767 IMG_0776 IMG_0777 IMG_0788 IMG_0790 IMG_0797 IMG_0800  IMG_0851 IMG_0855 IMG_0858  IMG_0877 IMG_0881 IMG_0871IMG_0884 IMG_0887

 

Sawir Qaade:- Jabiiba

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here