Biyo xireen laga sameynayo Gobolka Hiiraan si looga hortago fatahaadaha.

Gudiga gurmadka fatahaada Beledweyn ayaa bilaabay in ay howlo biya hakin ah ay ka bilaabeen deegaanada waqooyi ee goboka hiiraan gaar ahaan deeganka qooqane oo qiyastii 22 km dhanka waqooyi kaga beegan Magaalada beledweyn.

Deeganada carabuurka laga bilaabay ayaa waxa ay si fufud biyaha ku soo gali jireen tulooyinka hoos yimaada magalada Baladweyne , Guddigan ayaa dadaal xoogan ugu jiro sida ay ka hortag uga sameyn lahaayeen fatahaadaha uu sameeyo Webiga.

Guddiga ayaa wada dadaal guud oo ay kaga hortagayaan Fatahaadaha webiga Shabeelle ee Gobolka Hiiraan , kuwaas oo markasta saaameyn ku yeesha bulshada ku dhaqan gobolkaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here