Burbur looga shakisanyahay diyaarad lagu la’yahay Indonesia oo la arkay

Dowlada Indonesia ayaa sheegtay in uu socdo baadi goob xoog leh oo lagu raadinayo diyaarad ay laheyd shirkada Sriwijaya Air .

Wasaarada gaadiidka dalka Indonesia ayaa sheegtay in baadigoobka uu bilowday kadib markii isgaarsiinta diyaarada la waayay wax yar kadib markii ay ka duushay garoonka magaalada caasimadda ah ee Jakarta.

Diyaarada ayaa ku jeeday gobalka Pontianak  ee gobalka West Kalimantan ee dalkaasi Indonesia.

Dadka ku nool jasiirad u dhow halkii diyaaradu ku libirtay ayaa sheegay in ay arkeen walxo ay aamisan yihiin in ay yihiin burburka diyaarada.

Shirkada diyaarada iska leh waxay sheegtay in wali uruurineyso xogta la xiriirta diyaarada sidoo kalana ay ehelka dadkii saarnaa ay wargalineyso.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here