Buug ka hadlaya dhibaatada Soomaalida ku heysata ku ah South Africa oo lagu soo bandhigay Johannesburg-Sawirro

3533

 

Buugaan oo loogu magacdaray dhageysashada codadka oo laga diyaariyay Soomaali u badan haween oo ku nool Koonfur Afrika ayna soo diyaarisay Hay’adda Action Support Center oo kaashaneysa Jaaliyadda Soomaali Community Board ayaa waxaa lagu soo bandhigay Johannesburg.

Madasha lagu soo bandhigayay Buugaan ka hadlayay Soomaalida K/Afrika ayaa waxaa lagu casuumay qaar ka mid ah Soomaalida ganacsatada ee Johannseburg ayadoo ay kasoo qeyb galeen mas’uul ka socday waaxda bixinta sharciyda (Home Affairs), Hay’adda JRS, Haweeney ka tirsan Ururka Haweenka Koonfur Afrika, qaar ka mid ah jaaliyaddaha la nool Soomaalida, mas’uuliyiin ka socday hay’adda Action Support Center iyo hogaanka jaaliyadda Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika ayaa waxaa hadalo lagu dhiirigalinayay soo saarida buugaan ka jeediyay xubnihii ka soo qeybgalay.

Gudoomiye kuxieenka Jaaliyada Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika, Cabdullaahi Bashiir Mahdi, oo ka mid ahaa dadkii ka hadlay kulanka  sheegay in buugaan ay ku jiraan qisooyin xanuun badan.

” Buugaan waxaa iska kaashaday soo saaristiisa Somali Community Board iyo ha’adda Action Support Center intii aan wadnay qoraalka Buugaan waxaan la sheekeysanay Wariyaal Soomaaliyeed,Haween iyo dad kale waxey ka sheekeeyeen Qisooyin xanuun ku reebay quluuubtooda” ayuu yiri C/laahi ¬†Gaab.

Gudoomiyaha xaafada Soomaalida kaga nooshahay magaalada Johannesburg ee Mayfair mudane Jerry Musesi oo ka hadlay munaasabadii lagu soo bandhigayay buugaan laga qoray dhibaatooyinka Soomaalida ay dalkooda iyo Koonfur Afrika kula kulmeen ayaa sheegay in buugaan ay ku faafin doonaan goobaha ay dadka Koonfur Afrikaanka ah ku kulmaan si ay u ogaadaan in dadka Soomaaliyeed ay dhibaatooyin kasoo carareen ee aysan dhaqaalo doon aheyn.

Buugaan ay soo bandhigeen Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika iyo hay’adda Action Support Center ayaa ka mid noqonaya buugaag horay looga qoray Soomaalida qurba joogta ah ee iyagu gudaha Soomaaliya dhibaatooyin ay uga soo carareen ay haddana kuwo kale oo ka daran ku qabsadeen wadamadii ay tageen oo ay South Africa ka mid tahay.

13413496_1010695692370939_4809086159070281968_n 13413678_1010695919037583_8733717277377312698_n 13417443_1010696102370898_3220383696639910456_n 13417623_1010696322370876_5612730938735841890_n 13423761_1010696182370890_5883130660398339366_n 13432305_1010696299037545_6922985775958590071_n 13450200_1010696292370879_3107375991239089928_n 13450267_1010696212370887_2791106301076829808_n 13450275_1010696085704233_1823968833522186013_n 13450307_1010696405704201_1732385241702603682_n 13466475_1010696419037533_2865449297201715661_n 20166196360192756474675081ce533cd-9e9a-4266-bdc7-3eda0999aa74

WD: C/qaadir Axad-Johannseburg

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here