Buug ka hadlaya dhismaha waddooyinka oo wasaaradda howlaha guud soo bandhigtay-Sawirro

0
6913

Wasaaradda Howlaha Guud iyo dib u dhiska Soomaaliya ayaa maanta Magaalada Muqdisho ku soo bandhigtay buug qeexaya qorshaha dib u dhiska Waddooyinka, Buundooyinka iyo Dekadaha Soomaaliya.

Shirka lagu soo bandhigayay Qorshaha Wasaaradda Howlaha Guud oo soconaya Sadax Maalin, ayaa waxaa sidoo kale ka qeybgalay Xildhibaano iyo wasiiro ka tirsan dowlad gobaleedyada hoos yimaada dowladda Fedaraalka Soomaaliya.

Wasiirka Howlaha Guud iyo dib u dhiska Soomaaliya Eng. Saalax Sh Cusmaan Muuse oo ka hadlay shirka ayaa sheegay in buuggaan uu qeexayo macluumaad la xiriira Qorshaha iyo naqshadeynta dib u dhiska Waddooyinka, Buundooyinka iyo dakalada kala duwan ee ku yaalla dalka.

“dhawaan ayuu billaabanayaa qorshaha dib loogu dayactirayo Waddoyinka,Buundooyinka iyo dakadaha dalka, Waxaa dib loo ballaarinayaa dhismaha dakadaha caalamiga ah ee uu dalku leeyahay sidoo kalana waxaan hagaajineynaa buundooyinka ku burburay dagaallada Sokeeye ee dalka ka dhacay ayuu yiri Eng. Saalax.

Sidoo kale kulanka waxaa afkaar iyo talo soo jeedin ka soo jeediyay Xildhibaano iyo wasiiro ka matalayay dowlad gobaleedyada ka dhisan Soomaaliya iyagoo xusay in ahmeyda weyn ay dalka u leedahay qorshaha cusub ee ay soo diyaarisay Wasaaradda Howlaha Guud ee Soomaaliya.

DSCN2634-1 DSCN2636 DSCN2637 DSCN2641 DSCN2643 DSCN2668 DSCN2695 DSCN2701 DSCN2706 DSCN2764

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here