Cabdi qeybdiid oo ku booriyay qeybaha bulshada ee Gaalkacyo inay la shaqeeyaan Maamulka cusub

1754

Kaddib kulan balaaran oo lagu qabtay magaalada Gaalkacyo, isla markaana ay ka qeyb galeen boqalaal dadweyna oo ka kala socday bulshada qeybahooda kala duwan, mas’uuliyiin iyo xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka dowlad gobaleedka cusub ee Galmudug ayaa maanta Madaxweynihii hore ee Galmudug mudane Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid uu kula dar daarmay bulshada Galmudug in ay la shaqeeyaan maamulka cusub ee dhawaan lagu doortay magaalada Cadaado ee gobalka Galguduuud.

Duqa degmada galkacyo Bile Diini Cali oo ka mid ahaa mas’uuliyiintii ka qeyb gashay ayaa sheegey in maamulkii hore Galmudug waxyaabo badan uu ku guuleystay, isla markaana bogaadiyay isku duubnida bulshada Gobollada Mudug iyo Galgaduud ku nool

“Waxaa la ogyahay qofkasta oo dalkaan wax u qabtay ama dhibaateeyay taariiqdaa xuseeysa Cabdi Qeybdiid mudadii uu hogaaminayay Galmudug, wuxuu reebay taariikh aan la halmaami karin shaacabka reer Galmudug, qaasatan shacabka reer Gaalkacyo ee aan anigu hogaaminayo wuxuu nooga tagay taariikh aan sheegi doono waligeen taalo inaan u dhisno ayuuna ku muteeysan doonaa” ayuu yiri Duqa Gaalkacyo.

Kulankan oo intuu socday ay ka hadleen siyaasiyiin waxgarad iyo
bulshada qeybahooda kala duwan ayaa dhamaantood waxa ay ku amaaneen
madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid waxqabadka
horumarka leh ee uu ku tallaabsaday maamulkii u hogaanka u hayay sida
dhismaha xarumaha maamulka, dhisnaha xarumaha adeega bulshada, tayeeynta ciidamada iyo tababaradooda
Madaxweynaha hore ee galmudug Cabdi Xasan Cawaale qeybdiid ayaa
ka hadlay inta badan daadalkii loo soo galay sidii loo heli lahaa dowlad gobaleed dhameeystiran oo ay yeeshaan daka Gobalada dhaxe, isagoo dhinaca kalena ugu baaqay shacab ka Galmudug in ay la shaqeeyaan maamulka cusub ee
dowlad goboleedka Galmudug.

“Runtii Galmudug waxay soo gashay halgan dheer magaca Galmudugna waa
sagaal jirsaday, intaasna waxaa soo daadihinayay waxgaradka iyo shacabka Galmudug, aniga meel danbe oo seeynta ah ayaan uga soo dhagay waxaan soo raacay markeey lix jirsatay Galmudug maalintaa imid oo aad i doorateen xoolo ma wadan hubna mawadan lafaheeygaan keenay, maanta oo aan xilkii ka dagayna xoola ma wato, hubna la tagi mayo, waxaa la qabtay wax badan oo aan lasoo koobi karin ujedkeenuna wuxuu ahaa sidii meel la isugu keeni lahaa bulshada ku nool Gobalada Mudug iyo Galguduud “ ayuu yiri Cabdi Qeybdiid.
Doorashadi dhawaan ka dhacday magaalada Cadaado ayaa xilka Madaxweynaha Galmudug ku guuleystey Cabdikariin Xuseen Guuleed taasi oo muujinaysa isbedelada dhanka Federaalka ah oo dalku ku talaabsanayo.

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here