Cadaado oo laga hirgaliyay Layrarka cadceedda ku shaqeeya “Sawiiro”

1
4088

Mashruuca Nalaynta Cadaado iyada oo la adeegsanayo Leyrarka ku shaqeeya cadcaadda ayaa mara heer gabangabo ah, iyadoo mashruucan uu wax weyn ka badalay muuqaalka iyo bilicda magaalada gaar ahaan xilliyada Habeenkii.

Sidoo kale mashruucan waxa uu sara u qaaday ganacsiga iyo isku socodka bulshada, waxaana dadwaynuhu sheeegayaan inay aad u soo dhawayeen hirgalinta Leyrarka ilayska Cadceedda ku shaqeeya.

Gudoomiyaha degmada Cadaado C/llahi C/raxmaan Tootoole ayaa xalay kormeeray sida mashruucan uu u hirgalay iyo isbadalka uu keenay.

Waxa uu sheegay Tootoole in mashruucan oo ah wajiga 1-aad lagu galiyay ku dhawaad 100-xabo oo leyrka cadceedda ku shaqeeya, islamarkaana wajiga 2-aad ay degmadu filayso in dhawaan uu qabsoomo, iyaga oo kaashanaya Hay’ad Norwegian oo qaybtii hore ee mashruucan ku deeqday.

Magaalada Cadaado ee xarunta Ximan iyo Xeeb ayaa xilliyadii dambe horumar ka samaynaysay dhinacyo kala duwan, waxaana haatan ka socda shirka maamul u samaynta Mudug iyo Galgaduud.

??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? DSC05234 DSC05238 DSC05243 DSC05251 DSC05253

Did you like this? Share it:

1 COMMENT

  1. Masha alah aad ayan ugu faraxsanahay dalka u isbedel sameeyo gobolada oo lahormariyo waxay yaraynaysa kasoo dhamashaha badiya fog eexolodhaqatada aya muqdisho so beegsanayan marka halahormarsho gobolada

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here