DAAWO SAWIRADA-Carruur farxadda ciidda darteed loo qeybiyay lacag.

Munaasabad lagu weyneynayo ciidul Fitriga ayaa loo qabtay boqolaal carruur ah iyo Waalidiintooda oo si aad ah looga dareemayay Farxada Ciida.

Intii ay munaasabada socotay ayaa caruurtii iyo waalidiintii kasoo qeybgalay waxaa loo qeybiyay lacag uu gu talagalay Maamuylka Hotel Maleyka in looga faa’iideysto Ciidul Fitriga,waxaana sidookale ku sugnaa xaflada fanaaniin oo goobta key suoo bandhigay heeso Banaadiri ah.

Maxamed Jeylaani Iimaan ayaa sheegay in ujeedka lacagta loo siinayo carruurta ay tahay sidii looga farxin lahaa, munaasabadda ciida awgeed, waxaana uu intaa ku daray inay joogteen doonaan.

Ciidii ugu horeysay ma aha ee hotelka aan ku qabano ,hadaa nahay maamulka Hotelka, ciidan waxaan ku bixinaa farxad macmacaan iyo lacag, taasoo lagu abaalmarinayo carruurta degan Degmooyinka, Xamar weyne, Xamar Jajab iyo Waaberi ciidan waxaan ku faraxsanahay inay ka soo qeybgalaan tiro badan, ciidii hore way kasii badneed bashqadaha lacagta aan carruurta ugu talagalnay ay kujireen waa sii siyaadinay, dadka markey soo bataan wixiina waala siyaadinaa Insha Allah”

Munaasabadan lagu qabtay Hotelka Maleyka ayaa qeyb ka noqoneysa farxada Ciidul Fitriga oo ilaa shalay si aad ah looga dareemayo gudaha magaalada Muqdisho iyo magaaloyinka kale ee dalka.

DSC05066 DSC05067 DSC05069 DSC05071 DSC05073 DSC05075 DSC05078 DSC05081 DSC05082 DSC05084  DSC05088 DSC05090 DSC05092 DSC05094 DSC05095 DSC05100 DSC05101 DSC05102 DSC05104 DSC05110 DSC05115 DSC05117 DSC05119 DSC05123 DSC05126 DSC05141  DSC05151 DSC05157 DSC05163

Sawir Qaade:- Farxaan Suleymaan Daahir