Carruurtii Dhawaan lagu Xareeyay xarun lagu Xanaaneeyo oo deeq dhar ah loo qaybiyay

Caruurtii dhawaan marwada madaxweynaha jamhuuriyadda ay ku xaraysay xarun lagu xanaaneeyo oo ku taalla Degmada Cabdicasiis ee Gobolka Banaadir ayaa maanta la gaarsiiyay Raashin kala duwan waxaana Raashinkan ku deeqday Hay’ad lagu magacaabo Xaseni oo ka shaqeysa Arrimaha samafalka.

Xasan Cadow Tuuryare oo kamid ah Mas’uuliyiinta Hay’adda Xaseni ayaa sheegay inay siiwadi doonaan caawinta Carruurtaasi isagoo intaasi kadibna Deeqda Raashinka ah ku wareejiyay Guddoomiyaha Degmada Cabdicasiis ee Gobolka Banaadir Cismaan Muxudiin Cadaawe.

Guddoomiyaha Degmada Cabdicasiis ee Gobolka Banaadir Cismaan Muxudiin Cadaawe ayaa markii Raashinka lagu wareejiyay kaddib waxa uu u mahadceliyay Hay’addii deeqda soo gaarsiisay Carruurta lagaso Uruuriyay Waddoyinka Caasimadda Muqdisho, wuxuuna xusay in Raashinkan uu Carruurta ku filanaan doono muddo bil kabadan.

marka hore waxaan u mahadcelinaa Hay’ada Xaseni oo uu wakiil ka yahay Xasan Cadow waxaan leenahay waa mahadsan tihiin waa idinka guddoonay deeqdaan Raashinka ah oo ka kooban burka,bariiska sokor saliida malmalaadada iyo qudaarta dhan raashinkaan waxaa loogu talagalay in Caruurta ay ku noolaadaan bil iyo bar iyo laba bilk u dhawaad

Muddooyinkii dambe ayaa waxaa Soobadanayay gargaarka la gaarsiinayo Carruur horay darbi jiif u ahaa oo iminka lagu xanaaneeyo waxna lagu baro Xarun dhawaan Marwada Madaxweynaha dalka Sahra Cumar Xasan ay ka furtay Degmada Cabicasiis ee Gobolka Banaadir waxaana xusi mudan in Carruurtaasi ay Xaaladoodu soo wanaagsanaaneyso Waqtigaan isla markaana ay heleen Taageero Madax iyo Mid shacab intaba.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here