Cayaaryahan Soomaaliyeed oo meydkiisa laga helay Toronto ee dalka Canada

Wararka ka imaanaya dalka Canada ayaa sheegay in meel u dhaw magaalada Toronto laga helay maydka  wiil Soomaali Canadian ah.

Ayuub Xalane oo 25 jir ah ayaa labadii usbuuc ee ugu dambaysay la baadi goobayay kaddib markii qoyskiisa ay ku wargaliyeen ciidanka booliska maqnaanshihiisa.

Allaha u naxariistee Ayuub Xalane wuxuu ahaa wiil aad ugu fiican cayaarta kubadda kolleyga oo mar u saftay xulka Qaranka  kubadda kolleyga Soomaaliya.

Ciidanka booliska ayaa sheegay in baaritaan lagu samayn doono sida uu u dhintay Marxuum Ayuub Xalane oo meydkiisa la helay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here