Chelsea oo u Soo Baxday Finalka Koobka Capital One

998

Kooxda Chelsea ayaa u soo baxday Finalka koobka Capital One,ka dib markii ay lugtii labaad 1-0 uga badisay kooxda Liverpool.

Ciyaarta oo ka dhacday garoonka Stamford Bridge ayaa waqtigii loogu tala galay ku dhamaatay gool la’aan 0-0 ah,waxana lagu daray 30-daqiiqo maadaama ay todobaadkii hore labaada kooxood ay lugtii koowaad barbardhac 1-1 ah ku soo galeen garoonka Anfield.

Ciyaaryahan Branislav Ivanovic ayaa daqiiqadii 94-aad ee waqtigii dheeriga ahaa ee ciyaarta goolka guusha u dhaliyay kooxda Chelsea.
goool
Goolceleeecelee

Kooxda Chelsea ayaa isku celcelis ahaan kusoo baxday 2-1,sidasi ayeyna kooxda Liverpool uga hartay koobka Capital One.

Kooxda Chelsea ayaa dhamaadka bisha soo socoto ciyaarta kama dambeysta ah ee koobka Capital One garoonka Wembley kula ciyaari doonto kooxxdii soo baxdo kooxaha Tottenham iyo Sheffield United oo habeen danbe lugtii labaad ciyaari doono.

Kooxda Tottenham ayaa todobaadkii hore lugtii koowaad 1-0 uga soo badisay kooxda Sheffield United.

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here