Ciidamada ammaanka oo howl-gallo ka wada degmooyinka Muqdisho qaarkood

1252

Ciidamada ammaanka ayaa saakay howl-gallo ka wada xaafado ka tirsan degmooyinka Xamar Jajab, Xamar weyne iyo qeybo ka mid ah degmada Waaberi ee gobolka Banaadir.

Ciidamada ayaa gudaha u galay xaafadaha iyo suuqa Xamarweyne, ayagoo baaritaanno ka sameeyay sidoo kale waxaa la hakiyay gaadiidka maraya goobaha ay howl galladu ka socden.

Saraakiil ka tirsan ciidamada ayaa Radio Muqdisho u sheegay in howl-galladani ay qeyb ka yihiin dadaallada joogtada ah ee lagu sugayo ammaanka magaalada Muqdisho.

Sidoo kale xaafadaha degmada Xamar Jajajb ayay ciidamadu baaritaano ka sameeyeen.

Saraakiishu wali ma aysan faahfaahin howl-galladan iyo waxyaabaha lagu soo qabtay.

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here