Ciidamada amniga oo bur-buriyay Saldhig Al-Shabaab ay ku-lahaayeen G/Shabeellaha Hoose.

Ciidamada Amniga oo howlgal qorsheysan ku qaaday deegaanka Dugule ee Gobolka Shabeellaha hoose ayaa halkaasi ku bur buriyay saldhigii maleeshiyada Al-Shabaab deegaankaasi ku lahaayeen.

Qoraalka kooban oo lagu daabacay Barta Twitter-ka ee Hay’adda NISA ayaa lagu sheegay in Ciidanka amniga ay habeynimadii 5ta Janaayo ee sanadkan, howlgal qorshaysan ku qaadeen saldhig ay Alshabab ku leeyihiin deegaanka Dugule,halkaasina lagu bur buriyay Saldhigoodii,sidoo kalena waxaa gacanta lagu dhigay howlwadeen dadka xoolo baad ah ka qaadi jiray.

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here