Ciidamada amniga oo bur buriyay saldhig maleeshiyada Al-Shabaab ku lahaayeen Gobolka Sh/hoose

Ciidamada amniga ayaa bur buriyay saldhig maleeshiyada Al-Shabaab ku lahaayeen Gobolka Shabeelaha hoose,halkaasi oo ay ka soo abaabuli jireen falal guracan oo ay ku dhibaateynayaan Shacabka Soomaaliyeed.

Hawlgal qorshaysan oo Ciidamada amnigu fuliyeen habeeninadii 29-ka Bisha Maarso ayaa lagu burburiyay Saldhiga argagixisada Al-Shabaab ku lahaayeen Deegaanka Bariire ee Gobolkaasi.

Sidoo kale, Howlgalka ayaa lagu soo xiray dhagar-qabe ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab,waxaana inta ay ciidamada howlgalka ku guda jireen gacanta ku dhigeen qalab dagaal oo ay lahaayeen Al-Shabaab,kuwaasi oo ay u isticmaali jireen iney ku waxyeeleeyaan Shacabka Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn, ma jirto waxyeelo soo gaartay Ciidanka amniga iyo Shacabka Soomaaliyeed ee deegaanka howlgalka laga fuliyay ku sugnaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here